Saxaafadda Turkiga oo soo bandhigtay arrin kordhin karta nacaybkii shisheeyaha loo qabey + Muuqaal & Sawirro

0

(Hadalsame) 14 Nof 2022 – Eedaysanaha loo haysto bamkii ay ku dhinteen 6 qof 81 kalena ku dhaawacmeen ee ka dhacay Istiklal Avenue ee Istanbul ayaa la qabtay, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Suleyman Soylu subaxnimadii Isniintan.

Soylu ayaa xilligaa warfidiyeenka kula hadlayey goobta uu qaraxu ka dhacay kaasoo si wayn u burburiyey wadadan oo uu ka jiro ganacsi mashquulka badan.

Waxa kale oo uu sheegay in 21 kale oo lala xiriirinayo qofka is qarxiyey iyana la xiray, isagoo intaas ku daray in natiijadu ay haatan muujinayso inuu ahaa weerar ay ka dambaysey kooxda argagixisada ah ee Kurdiga ah ee PKK/YPG, isagoo ula jeedey laanta kooxda argagixisada ah ee PKK ee woqooyiga Suuriya, oo xuduud la leh Turkiga.

Saxaafadda Turkiga ayaa haatan xoojinaysa aragti ah in qofkii meesha bamka dhigay uu ahaa gabar Kurdiga Suuriya ah oo aad sawirradeeda hoos ka aragtaan, iyadoo ay arrintani uga sii dari doonto nacaybkii soo galootiga gaar ahaan Suuriyiinta loo qabey.

In ka badan 40 sano ayay kooxdani wadeen olole argagixiso oo ka dhan ah dalka Turkiga, PKK – oo lagu daray liiska argagixisada Turkiga, Maraykanka iyo Midowga Yurub – ayaa mas’uul ka ah dhimashada ugu yaraan 40,000 oo qof, kuwaasoo ay ku jiraan haween, carruur iyo dhallaan.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media