Ethiopian Airlines oo qaab dhiig-miirad ah uga shaqaysa Somalia (Bal arag yaabkan)

0

(Muqdisho) 14 Nof 2022 – Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa bartamihii 2018-kii ku dhawaaqday adeeg duullimaad oo toos ah oo isku xiraya magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa iyadoo haatan ka mid ah diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho taga.

Waxaase yaab leh kharashka lagu goosto tigidhada shirkaddan Ethiopian Airlines, iyadoo ay yaab leedahay in lacagta lagu goosto tikitka halka waddo ah ee Muqdisho iyo Addis Ababa uu laba jeer ka qaalisan yahay midka sii socod iyo soo socodka ah ee Yurub iyo Afrika.

Tusaale, marka uu qofku Muqdisho ka raacayo ama u raacayo isagoo ka socda ama u socda Addis Ababa, tikitku wuxuu gaarayaa ilaa $1,338 oo Doollar diyaaradda Ethiopian Airlines, waana hal waddo, balse marka aad tusaale ahaan Yurub ka raacayso isla diyaaraddan ee aad Muqdisho u socoto tikitka laba-jidlaha ah ee aad kusoo noqonayso kuna tegeyso mararka qaar waa $700 oo Doollar oo qura amaba ka yar.

Waxaa ka daran in haddii aad doonayso tikit Muqdisho aad ku tagto Nairobi uu kuugu kacayo wax ka yar $120 ilaa $200 oo Doollar.

Arrintan ayaa muujinaysa dhiig-miirad aan caadi ahayn iyo ka faa’iidaysi, waana arrin muujinaysa in madaxda Somalia aysan wax dan ah ka lahayn daryeelka shacabkooda, iyadoo ay aad ugu badan tahay in waxa tikitkan sidan u qaaliyeeyey ay qayb ka yihiinba oo ay saami iyo risiq ka raadiyaan, sida hadda ka jirta suuqa Jaadka.

Si kastaba, waa arrin u baahan soo faragelin dowladeed oo deg deg ah.

Image

Hadalsame Media