Ukraine oo soo bandhigtay hub dunida ku cusub oo ay jug xun ku gaarsiisey Ruushka + Muuqaal & Sawirro

0

Kyiv) 13 Nof 2022 – Ciidamada Ukraine ayaa sii daayey muuqaal cusub iyo sawirro muujinaya doonyaha daroonka ah ee is wada, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen kuwii ka dambeeyey duqayn aan horay loo arag oo ka dhan ah saldhigga Ciidamada Badda Ruushka gaar ahaan Raxanta Badda Madow ee Sevastopol, Crimea.

Kyiv ayaa sawirrada kusoo bandhigtay shabakadeeda lacag ururinta ee UNITED24 si ay lacag ugu ururiso doomahan aan duuliyaha lahayn iyada oo dadwaynaha lacagta laga qaadayo (crowdfunding).

Volodymyr Zelensky, Madaxwaynaha Ukraine, ayaa bilaabay mashruuca UNITED24 si maalgelin lacageed loogu helo agabyo kala duwan ee ay u baahan yihiin ciidamada iyo dadka dalkaasi Ukraine.

Doomahan aan cidina wadin ee daroonnada ah, oo ah farsamo weli dhowaangal ah, ayaa la sheegay in ay awoodaan inay duqaymo ka geystaan meelo fogaan 500 oo mayl  ah jira waana nooca is miidaamiya ee KAMIKAZI-ga, waxay sidoo kale qaban karaan howlo kale.

Intaa waxaa dheer, Dowladda Ukraine, waxay rajaynaysaa inay ururiso lacag ku filan si ay u iibsato 100 doonyood oo noocan ah, iyadoo uu midkiiba ku fadhiyo rubuc milyan ama $250,000 oo Doollar.

Hadalsame Media