Taariikhda dhabta ah ee gabadha film-ka laga sameeyey ee ka badbaaddey shilkii TITANIC & qaar kale

0

(Hadalsame) 13 Nof 2022 – Gabadha lagu naanaysi jiray ‘Boqoradda Maraakiibta quusta’ waxay ka badbaadday dhowr musiibo oo taariikhi ah.

Markii uu quusayay markabka caanka ah ee Titanic, ugu horrayn waxaa la badbaadinayay haweenka iyo carruurta oo la saarayay doomaha yar yar.

Doontii ugu dambaysay waxaa saarnaa cunug yar, wiil aan qaangaarin iyo haweeney. Inta aan doonta la fasixin ayuu ninkii rakaabka saarayay ku qayliyay, “Ma jirtaa haweeney kale oo ku hartay markabka?”

Laakiin qof horay soo istaagay ma jirin.

Haddana nin kale oo shaqaalaha markabka ka tirsan ayaa su’aashii ku celiyay, “Miyaysan jirin haweeney hartay?”. Kaddib ayay haweeney soo istaagtay, iyadoo dhahaysa “aniga”. “Balse anigu ma ihi haweeney rakaab ah, waxaan ka mid ahay shaqaalaha markabka,” ayay sii raacisay.

Ninkii doonta maamulayay ayaa fiiriyay waxa uuna ku yiri, “Dhib malaha, waxaad tahay haweeney, doontan ayaad boos ku leedahay.”

Sidaas ayay daqiiqadihii ugu dambeeyay ku badbaadday Violet, waxayna raacday doontii.

Sheekadan waxaa lagu sheegay buugga la yiraahdo “Runta ku saabsan Titanic” oo la daabacay hal sano kaddib dhacdadaas.

Hase yeeshee taasi ma ahayn markii ugu horraysay ama ugu dambaysay ee ay ka badbaaddo musiibo noocaas ah. Markabkii Titanic waxa uu burburay bishii April ee sanadkii 1912-kii.

Taariikhda waxaa looga yaqananaa ‘Marwada aan quusi karin’ ama ‘Boqoradda Maraakiibta quusta’. Waxay ahayd kalkaaliso ka howl gali jirtay maraakiibta waawayn, magaceeda saxda ahna waxa uu ahaa Violet Jessop.

Sanadkii 1998-kii ayaa la daabacay taariikh nololeedka Violet. Waxaa tifaftiray John Maxton-Graham.

Kaddib dunidu waxay ogaatay in Violet aysan ka badbaadin markabkii Titanic oo keliya balse ay sidoo kale ka badbaadday saddex markab oo kale oo waayay oo quusay.

Tumay ahayd haweeneydan?

Violet waxa ay kasoo jeeddaa qoys Irish ah oo u qaxay waddanka Argentina. Maadaama ay ahayd gabadha curadda u ah reerkeeda, waxay durbadiiba u istaagtay inay xannaanayso lix walaalaheed ah.

Aabeheed wuxuu ka tagay iyadoo ilmo yar ah hooyadeedna waxay ahayd kalkaaliso ka shaqaysa maraakiibta. Muddo kaddib hooyadeed way xanuunsatay, wayna geeriyootay.

Iyadoo 21 jir ah ayay shaqaale ka noqotay markab. Howsheedu waxay ahayd in ay la joogto dadka maalqabeenka ah ee markabka saaran, si ay raashin u siiso, qolalkooda u nadiifiso, uguna adeegto.

Violet 25 jir ayay ahayd markii uu quusay markabkii Titanic. Muddo 40 sano ah ayay ka shaqaynaysay maraakiib, caqabado badan ayayna la kulantay.

Habeenkii uu quusay Titanic

Dhacdadii Titanic waxaa hadda laga joogaa 110 sano. Inta badan rakaabku way hurdayeen markii ay bilaabatay musiibada. Xilli habeen madow ah ayuu markabku ku dhacay baraf wayn.

Markabku wuxuu ku jiray safar uu kaga tagay magaalada Southampton ee waddanka England waxa uuna kusii jeeday magaalada New York ee dalka Mareykanka.

When the Titanic sailed from the port of Belfast
Markii uu Titanic ka shiraacanayay dekedda Belfast

Waxa uu markabku ku socday xawaare dhan 41 kiiloomitir saacaddiiba. Saddex saacadood gudahoodba, xilli saq dhexe ah oo ku beegnayd April 14 ilaa 15, 1912-kii, Titanic wuxuu ku quusay Badwaynta Atlantic.

Qiyaastii 1,500 oo ruux ayaa ku geeriyooday markabkaas oo loo malayn jiray in uusan waligiis quusi karin. Dhacdan waxaa lagu tilmaamaa musiibadii ugu xumayd ee badda ka dhacda muddo 110 sano ah oo lasoo dhaafay.

“Waxaa jirtay mar la wada aamusay, mugdiguna uu na qariyay, kaddibna oohin kaliya ayaa soo hartay. Waligay ma hilmaami doono taas. Markabkeenna ayaa ku burburayay badweyn baraf ah,” ayay tiri Violet.

Buug ay qortay ayay Violet ku sheegtay in nin ka mid ah raggii ka shaqeynayay markabka uu u dhiibay cunug yar kaddibna ay la fuushay doonta badbaadada. Cunugga yar hooyadiis dib dambe looma arkin.

“Xilligaas wixii ka dambeeyay dadka aan ku hadlin ingiriiska ayaan u sheegi jiray sida loo xirto jaakadaha badbaadada,” ayay tiri.

La soco qayb kale….

BBC

Hadalsame Media