Maxay yihiin SABABAHA ugu waawayn ee keenay isu soo dhowaanshaha Somalia & Ethiopia?

0
Somalia's new President Hassan Sheikh Mohamud (L) speaks with Ethiopia's Prime Minister Abiy Ahmed during his inauguration calemony as the 10th President with the presence of three heads of state, Kenya, Ethiopia, and Djibouti, in Mogadishu, Somalia, on June 9, 2022. (Photo by Hassan Ali ELMI / AFP)

(Muqdisho) 31 Luulyo 2022 – Dowladaha Federaalka Somalia iyo Ethiopia ayaa beryihii dambe muujinaya tillaabooyin muujinaya inay meesha ka saareen madmadow yimid tan iyo marka uu xilka la wareegey maamulka cusub ee MW Xasan Sheekh, iyadoo maalmihii tegey ay is booqdeen sirdoonka labada dal oo kulamo yeeshay.

Cabdiraxmaan Sahal oo ah falanqeeye u dhuun daloola arrimaha siyaasadda ayaa ka hadlay xiriirka labada dowladood iyo isagoo sharraxaad ka bixiyey sababta ka dambaysa isku soo dhowaashaha ay sameeynayeeen maalmihii yaraa ee tegey.

“Marka laga hadlayo xiriirka labada waddan ee Somalia iyo Ethiopia waa wax ku salaysan dowlad kasta danteeda iyo siyaasaddeeda arrimaha gudaha iyo dibedda,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Sahal Sahal oo u warramay Universal TV.

“Isbeddelka jiraa wuxuu ku dhisaalan yahay saddex arrimood; mid waxaa weeyaan Ethiopia oo hadda runtii kasoo kabanaysa dagaalladii socdey laga soo laabo 2020-kii illaa hadda. Mida labaad Soomaaliya lafteeda oo guul laga gaarey doorashadii Maajo dhacday oo iyadana isbeddal uu ka dhacay keentayna xasilooni siyaasadeed,” ayuu yiri isagoo raaciyey.

”Midda saddexaadna waxa ay tahay Al Shabaab oo soo xoogaystay oo bishii Luulyo ee lasoo dhaafay isku dayey inay Ethiopia oo ay dhulka Soomaalida ku galaan dagaallo ba’an,”

Waxa uu marka arrimahan oo idil la isku xooriyo uu ku tilmaamay kuwa keenay in ay labada dal bog cusub u furaan xiriirkooda, iyadoo tan iyo muddo-xileedkii nidaamkii hore ay xukuumadaha Muqdisho iyo Addis Ababa ku naalloonayeen xiriir ka yara diirran sidii hore.

Hadalsame Media