Turkiga oo wada qorshe uu kula xafiiltamayo Carabta (Dalalka ay walaalaha yihiin oo uu isku xirayo & magacyada)

0

(Samarqand) 12 Nof 2022 – Ururka Dowladaha Turkic-ga (OTS) ayaa qalinka ku duugey dokumentiyo dhowr ah oo u shaqayn doona sidii dhabbe-howleed (Road Map) ay ku shaqeeyaan xilli uu shir madaxeedkii 9-aad uu Jimcihii ku soo xirmay magaalada Samarkand ee dalka Uzbekistan.

Madaxda wadammada xubnaha ka ah ee ay deggan tahay qoowmiyadda Turkic-ga ah ayaa waxaa ka mid ah,Türkiye, Azerbaijan, Kazakhstan, Uzbekistan iyo Kyrgyzstan, kuwaasoo isugu yimid Xarunta Shirarka ee Samarkand Eternal City Congress Center waxayna qalinka ku duugeen heshiisyo badan.

Dukumentiyadani waxay ka kooban yihiin go’aamo ku saabsan Baaqa Samarkand, Istaraatiijiyada OTS ee inta u dhaxaysa 2022-2026, iskaashiga gaadiidka u dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah, samaynta jidad kastamadu fariistaan oo la fududeeyey iyo heshiisyada ganacsiga dalalkan walaalaha ah.

Dukumeentiyada waxaa sidoo kale ka mid ah hab-maamuuska wax ka beddelka Heshiiska Nakhchivan ee aasaaska Golaha Iskaashiga Waddamada ku hadla Turkiga, ansixinta xeer-hoosaadka OTS, magacaabista xoghayaha guud ee ururka iyo kaaliyeyaasha, guddoomiyaha Akadeemiyada Turkic iyo guddoomiye ku xigeenka, oo ay la socdaan daah-furka Sanduuqa Maalgelinta Turkic.

OTS, oo hore loogu yeeri jiray Golaha Iskaashiga Turkic-ga, waa urur caalami ah oo ka kooban dalal doonaya inay iskaashi dhow oo walaalnimo yeeshaan, waxaana ay haatan dib u habayn ku sameeyeen Heshiiskii Nakhchivan Agreement iyagoo doonaya inay samaystaan Sanduuq Maalgelineed oo la yiraahdo Turkic Investment Fund.

Turkiga ayaa doonaya inuu dalalkan ay qaraabada yihiin isku duwo si ay ula xafiiltamaan Carabta oo haatan ah qoowmiyadda ugu badan Islaamka.

Hadalsame Media