“Telefoon ayaan u diray” – Mbappe oo sharraxay sababta ugu wayn ee uu u diidey inuu ku biiro Real Madrid

0

(Hadalsame) 12 Nof 2022 – Kylian Mbappe ayaa daaha ka qaaday in uu iska diiday fursad uu ugu biiri kari lahaa Real Madrid maadaama uu ku dooday inuu doonayo inuu ‘sheekadiisa ku qoro’ Paris Saint-Germain.

Wareegista laacibkan ayaa u muuqatey mid aad u dhow marxaladaha qaar, balse Mbappe ayaa ugu dambayntii waxa uu wacay Madaxwaynaha Real ee Florentino Perez kaasoo uu ugu sheego inuusan la saxiixan doonin kooxdiisa.

23-jirkan ayaa qirtay in ay u fududaan lahayd ku biiristiisa Real, laakiin waxa uu carrabka ku adkeeyey in marka loo eego in uu kasoo jeedo magaalada Paris ay micne gaar ah u samaynayso guul uu la gaaro kooxda PSG.

Mbappe told Sports Illustrated: ‘In Paris, the page is completely blank. What an opportunity! You have to think differently. Of course, it was easier to go to Madrid.

Mbappe ayaa u sheegay Sports Illustrated: ‘Paris, bogga taariikheed gebi ahaanba waa mid maran. Alla maxaa fursad ah inaan guul la gaaro! Dabcan se, way fududahay inaad aado Madrid.

Laakiin waxaan leeyahay hamigan. Waxaan ahay Faransiis Waxaan ahay ciyaal Paris, in aan wax kula guulaysto Paris, waa wax runtii gaar ah – runtii gaar ah. Waxa ay magacaaga ku qoraysaa taariikhda dalkaaga si weliba abadi ah.’ Ayuu yiri.

Hadalsame Media