Maxaa kala qabsaday diyaarad sahan oo Norwegian ah & Gujis Ruushku leeyahay & Aalad lagu tuuray?!! (Daawo)

0

(Hadalsame) 12 Nof 2022 – Diyaarad nooca Sahanka iyo Roondada Badda ah oo laga leeyahay dalka Norway ayay foolka isku diireen gujis kuwa nukliyeerka xambaara ah oo laga leeyahay dalka Ruushka kuwaasoo isku haleelay Badda Barents Sea, sida ka muuqata muuqaal ay duubeen bad-maaxyada markabka quusa ee Ruushka, kaasoo haatan wareegaya baraha bulshada.


Fiidiyowga, waxaa laga arkayaa diyaaradda Norwegian-ka ah ee Lockheed P-3 Orion ee sahanka oo aaladda sonobuoy ku ridaysa marinka gujiska Nukliyeerka leh ee Ruushka, ‘Knyaz Vladimir’.

Dhacdadan ayaa ka dhacday Badda Barents markii uu markabka quusa ee Ruushku isku dayey inuu oogada biyaha usoo fooco xilli uu kasoo laabanayey howlgam badda hoosteeda ah.

Iyada oo taa ka jawaabaysa, ciidanka gujiska Knyaz Vladimir waxay dhoollatus ku sameeyeen isticmaalka Nidaamka Difaaca Hawada ee Qaad-qaadma (MANPADS), maadaama ay diyaaradda sahanka ihi ku khasban tahay inay joog hoose ama dhexe ku duusho marka ay tuurayso aaladda badda lagu sahmiyo ee sonobuoys-ka taasoo u nuglaynaysa in lagu soo rido MANPADS.

Waa sida Ruushka oo u sheegaya “waxaa idinku filan MANPADS-ka garbaha laga gano.

P-3 Orions ayaa markii ugu horreeysay soo gashay adeegga Ciidanka Cirka ee Boqortooyada Norway (RNAF) sanadkii 1969kii.

Norway waxay leedahay ilaa 7 diyaaradood oo ah noocan sahanka ah ee Lockheed P-3B Orion kuwaasoo ay Maraykanka ka iibsatey intii u dhaxaysey 1969 iyo 1979-kii, taas oo noqotay tiirarka RNAF ee sahanka iyo sirdoonka badda ku dhowaad ​​50 sano.

Hadalsame Media