LIX su’aalood oo aanu is waydiinin Cabdi Ismaaciil Samatar oo aan waydiinayo

0

(Hadalsame) 12 Nof 2022 – Waxaa gobollada dhexe iyo meelo kale ka soconaya dagaal ay bilaabeen dadka degaanka ah oo ku caan baxay magaca ”Macawisley”, balse ay haatan qorshayso DF Somalia, iyadoo ay hagaan Ciidamada Qalabka Sida.

Waxaa durba qaylo iyo eedo bilaabay dad fara badan oo meelo kala duwan jooga ama haya xilal kala duwan oo ay ku jiraan kuwa DF ka tirsan, kuwaasoo ku doodaya in dagaalka ”Macwisley” uu keeni karo burburka ciidanka DF, in dagaal sokeeye la galo iyo xitaa DF lafteeda.

Waxaa dadkaa oo ay ka mid yihiin Cabdi Ismaaciil Samatar oo maqaal dheer oo uu qoray cinwaan uga dhigay ”in dagaalka ”Macawisley” uu Somalia naarta u diri doono, isagoo sidoo kale marar badan madlo warbaahineed kala hadlay isla arrintan, wax u eg olole uu si shakhsi ah u wado.

Samatar oo ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ayaa dooddiisa ku xusay in aanu diiddanayn in Shabaabka la iska xoreeyo, balse waxaa jira su’aalo milyan Doollar ah oo aanu is waydiinin:

1 – Samatar wuxuu ku dooday ”inay tahay in laga fikiro qaabkii la iskaga xorayn lahaa Shabaabka”, balse wuxuu daawanayaa 20 sano ku dhowaad mana uu keenin wax dhabbe-howleed ah oo nimankan lagu xorayn karo, arrin 20 sano kala taalley waa mid ragaaddey sidaa darteed, hadda kaddib hallaga fikiro waa hasii silceen dadka uu dhibku haysto. Ma labaatan sano kaddib ayaa weli la fikirayaa?

2 – Ma jiraan beelo la hubeeyey, sida aysan u jirin beelo awalba hub laga dhigay, maadaama aanba ognahay in DF Somalia ayba ku kooban tahay meelo yar oo Somalia, ka tirsan iyadoo aan tegi karin isla magaalada uu kasoo jeedo Samatar laftiisa, go’aanka ay ku maqan tahayna ma aha mid qaran isna waa ogyahay mase doonayo inuu ka hadlo.

3 – Ciidamada ”Macawisley” waxaa hagaya oo la socda CXDS, Xildhibaanno, Taliyeyaal ciidan, iyo Maamul-goboleedyada, sidaa darteed, iyagu ma wataan wax ka badan inay ku yabooheen naftoodii iyo xoolohoodii, si ay isu difaacaan oo isu xoreeyaan. Ma jirto meel ay ciidanka degaanku ku muujiyeen inay

4 – Qarannimada ay isaga iyo inta la midka ihi sheegayaan ma waxay ka jirtaa kaliya labada gobol ee ay dooddani khuseeyso soow gobolladii kale oo ay ku yaalleen xitaa caasimadihii kale ee dalku reero ma xiranin oo ma fadhiyaan, weliba isaga Samatar ahna ka mid maaha dadka bogaadiya inay wax wanaagsan samaysteen, sidee taasi sax u tahay laakiin ay khalad u tahay markii ay Gobollada Dhexe ka dhacdo.

5 – Waxaa warkiisa isaga iyo dad kaleba ku jirta Soomaali baa kala tegeysa, su’aashu waxay tahay Soomaalidu ma waxay ku wada joogaysaa inay dhowr gobol dabka saarnaadaan. Tusaale, Samatar waa yaqaannaa sida dal u shaqeeyo, welina lama arag isaga oo dood ka qaba dalka kala qoqoban, canshuurta hal magaalo laga qaadayo, siyaasadda cub iyo cirka ah, siyaasadda dalka ee 10 firraaq u kala furfuran ee aan DF Somalia ee magac ahaanta u jirta xitaa looga haybaysan kamase hadlo.

Sidaa darteed, ma marka uu nin jooga cadduunka gobollada dhexe uu tillaabo qaado ayay Somalia burburaysaa oo kala tegeysaa, balse inta kale waa dhisnaanaysaa oo niyad ahaan ayay u jiraysaa xitaa haddii ay jir ahaan waa hore u kala tagtay?

6 – Waloow ay jabhadihii qabaligu ka dareen, misna taasi waxay ahayd wax la fili karey, marka la eego heerka wax gaareen ee aanu fikirin mid xil hayey iyo mid xukun doonayey intaba. Burburkii 91-kii wuxuu ahaa natiijadii ugu dambaysey dal uu burbur ku socdey tan iyo 78-kii, iyadoo nasiib darro uu dalku 91-kii soo gaarey iyadoo la is wada nacay, la is diley, la isu dhaarsan yahay, sidaa darteed, cid kaligeed dalka badbaadin kari lahayd ma jirin maadaama aanay ummad dhisani jirin.

Yeelkeede, maanta ummaddu heerkaa ma joogto in wacyiga ummaddu is bedeleyna waxaa u daliil ah Ciidankii beri dhowayd Muqdisho soo galay, balse iyaga oo aan hal bakeeri jebin misna ka baxay, iyagoo watey shuruud siyaasi ah, sidaa darteed, waxaa habboon in marka wax la cabirayo wax loo eego si moowduuci ah oo u qalanta dood aqoonyahan la gole iman karo oo aan iska ahayn kuweennii af kala baxa iyo hebel ku adkeeda ku dhisnaa.

Gunaanadkii, inay Somalia dal ahaan u shaqayso oo ay weliba Soomaalida oo dhan, oo ay xitaa ku jiraan kuwa dalal kale haatan hoos taga ay is bahaystaan, waa waajib iyo dan ISTARAATJI ah oo ay tahay in la garto lana ilaaliyo, balse ruwaayad iyo laba-wejiilayn ku iman mayso.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media