Ciidamadii Wabxo qabtay oo halkaa kasoo baxay iyo waxa sababay oo la sheegay (Daawo)

0

(Wabxo) 12 Nof 2022 – Ciidamadii DF iyo kuwii degaanka ee Macawisley ee qabtay degaanno muhim ahaa oo ay Wabxo ka mid tahay ayaa la sheegayaa inay halkaa iskaga soo bexeen.

Ciidankan oo qabtay Wabxo iyo degaanno u dhow oo ay ilaa 3 aag kasoo weerareen, ayaa haatan la sheegayaa inay soo bexeen kaddib amar ka yimid dhinaca Taliska sare ee Ciidanka Xoogga.

Sida uu sheegay Taliye Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid ah taliyeyaasha ciidanka Wabxo qabtay ayaa ka hadlay amarka ka yimid dhanka taliska dhexe ee ciidamada.

Wuxuu sheegay in bixiddani ay meesha ka saartay qorshihii hore ee ahaa in ciidanku ay fariistaan goobaha la xoreeyo ugu yaraan 15 maalmood si kaddib ay iskugu diyaariyaan duullaanka xigana u qaadaan dadka degaanka iyo ciidanka kaalmaynaya.

Arrintan ayaa marka lagu daro dagaal kale oo micna darro ah oo Cadale ku dhex maray ciidankii dagaalkan qaybta ka ahaa wuxuu dilayaa mooralka iyo gebi ahaanba qorshaha dagaalka.

Halkan ka daawo….

Hadalsame Media