”Waxay nagula keceen tillaabo aan cadaalad ahayn” – Midowga Yurub oo digniin culus u diray Maraykanka

0

(Brussels ) 11 Nof 2022 – Midowga Yurub ayaa ku eedeeyey Maraykanka inuu jabiyey shuruucda Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) marka la eego sharciga uu kasoo saaray tignoolajiyada cagaaran, iyagoo ballanqaaday inuu qaadi doono tallaabooyin aargoosi ah.

Digniintu waxay muujinaysaa welwelka laga qabo waxa loogu yeero Sharciga dhimista Sicir-bararka ee Washington kasoo baxay, kaasoo lagu bixinayo kharashaad aad u badan oo la siinayo tamarta cagaaran sida kabitaan lacageed iyo canshuur dhaafid la siinayo  soosaarayaasha gawaarida korontada ku shaqeeya ee Maraykanka iyo xitaa macaamiisha.

Brussels waxay sheegtay in fursaddan dheeraadka ah ee la siinayo shirkadaha sameeya baabuurta korantada ee Maraykanka ay qalqiil gelinayso dhiggooda EU oo markaa ku gelaya khasaare aan cadaalad ahayn suuqa gudaha Maraykanka ee faa’iidada badan.

Waxayna dalbanaysaa in Maraykanku uu sidoo kale siiyo shirkadaha EU-da macaamil la mid ah kuwa ay wadaagaan ganacsiga Maraykanka, oo ay ku jiraan kuwa Canada iyo Mexico.

Haddii Washington aysan tixgelinin fikradaha jaalkooda Midowga Yurub, ururku wuxuu ” aadi doonaa WTO” isagoo halkaa ashtako ka samayn kara, sida uu Thierry Breton, oo EU ugu qaybsan suuqyada iyo isu socodka badeecooyinku, u sheegay TV-ga BFM Business.

Hadalsame Media