”Maxaan ku galabsannay in nalaku aaddiyo Man City & Real Madrid?” – Taageerayaasha Liverool oo calool hadlay (Arag fal-celinta)

0

(Brussels ) 11 Nof 2022 – Taageerayaasha kooxaha Liverpool iyo Manchester City ayaa falcelin ka sameeyey baraha bulshada kaddib markii ay labada kooxood ee Premier League isku aadeen wareegga afraad ee Carabao Cup.

Kooxda Pep Guardiola ayaa garoonkeeda Etihad ku martigalin doonta kooxdii ay si dirqi ah uga qaaday horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkii hore maalmo yar uun kaddib final-ka koobka adduunka.

Koox aan safka hore ahayn ayaa laga filayaa kulankaasi, in kasta oo ay ciyaartoy sida magacyo waawayn oo ay ka mid yihiin Erling Haaland iyo Maxamed Saalax ay kasoo muuqan karaan maadaama ay ka maqan yihiin KAQadar.

Taageerayaasha Liverpool ayaa si deg deg ah u tilmaamay inay tani ahayd isku aadkii labaad ee dhib badan ee ay helaan toddobaadkan gudihiisa, kaddib markii ay sidoo kale isku aadeen Real Madrid wareega 16-ka ee Champions League.

Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa faallo ka bixiyey isagoo leh: ‘Ma garanayo waxa aan samaynay si aan ugu qalanno tan? Real Madrid UCL iyo Man City ee Carabao Cup? Miyaad igu kaftamaysaa?”

Taageere kale oo Reds ah ayaa ku muusannaabay: “Real Madrid oo Champions League nagu aaddan iyo Man City oo marti noogu ah Carabao islamarka aan ka soo laabanno Koobka Adduunka…”

Halkan ka arag fal-celinta taageerayaasha.

Hadalsame Media