“Gabadhii aan dhalay ayaa igu tiri “hasoo istaagin arooskayga!” – Imisa sano ayay kala maqnaayeen?!

0

(Hadalsame) 11 Nof 2022 – 15 sanno kahor ayan kala tagnay ninkii aan u dhalay 3-da carruur ee ifka Ilaahey igu siiyey.

Markii aan kala tagayney ayuu igu yiri “ama caruurta ii dhig amaba qaado oo waxba ha i waydiinin.”

Dhowr bilood ayan carruurtii kaligeygi haayey. noloshii ayaa aad iigu adkaatay anigii iyo caruurtii baahi inan u dhimano ayan ku dhawaanay, waxaa ii soo baxday inan Aabahoodi iska siiyo anigana xoogsado.

Wan tahriibay nin kalena waan guursaday 8 sano ayey igu qaadatay inan sharci helo lacagna meel dhigto, dhawaan ayan damcay inan caruurteydi saacido.

Gabadheydii ugu wayneyd ayaa dhowaan guursan rabta aad ayan ugu farxay, markan is iri la qeybso farxadda oo guurkeeda ka qeyb qaado ayey igula hadashay hadal aad iyo aad u xun oo qalbigeygi dhaawacay.

Waxayna igu tiri “haddi aad arooskeygi timaado anigaa gacanteyda kaaga saaraaya. Ha soo istaagin arooskayga.

Wiilashaydii ayan wacay si aan ugu sheego hadalka walashoodi ay igu tiri 2doodi telfoonka igama qaban, fariinteydii na kama soo jawaaban. Aabahooda inuu ila hadlo ma rabo.

Maxaan sameeyaa?

Waxaa Curiyey: Cabdiqani Triple A

Hadalsame Media