DF Itoobiya oo weerar cirka ah ku qaadday jabhad aan Tigree ahayn oo caasimadda u jirta 310 mayl

0

(Hadalsame) 11 Nof 2022 – Dad badan oo rayid ah ayaa la sheegay in lagu diley weerar cirka ah oo ka dhacay magaalada Mandi ee galbeedka Itoobiya, taasoo qiyaastii 500km (310 mayl) dhanka galbeed ka xigta caasimadda dalkaasi ee Addis Ababa, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen BBC News.

Dadka degaanka ayaa sheegay in duqayntu ay xilligii qadada arbacadii lasoo dhaafay ay ka dhacday magaaldan oo ay maamulayeen malleeshiyaadka Oromada (OLA) maalmo uun kaddib dagaal ay la galeen ciidamada ammaanka ee dowlada.

Qof ka mid ah dadka degaanka oo magaciisa qariyey ayaa BBC-da u sheegay in dowladdu ay bartilmaameedsanaysey malleeshiyaadka OLA, balse dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay u badan yihiin dad rayid ah.

Waxa uu qofkaasi sheegay in gaari OLA ay wateen oo wadada dhinaceeda taagnaa oo ay ku jireen qaar ka mid ah xubnihiisa lagu duqeeyey diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drone-ka, balse taasi ay keentay in markii ay duqaynta ku qarxiyeen gaariga, ay sidoo kale dhinteen dad rayid ah oo ku sugnaa agagaarka goobta ay duqayntu ka dhacday.

Afhayeenka OLA, Oda Tarbi, ayaa BBC u sheegay inay weerarkaa ku dhinteen ilaa 30 qof oo rayid ah, balse DF Itoobiya kama hadlin arrintaasi.

Hadalsame Media