”Dadka deggan meelaha nabdoon ee Somalia waxay muujiyeen inay ku faraxsan yihiin dadka Shabaabku silcinayaan” – Siyaasi furka xooray (Daawo)

0

(Hadalsame) 11 Nof 2022 – MW hore ee Maamul-goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa dhaliilay islamarkaana tuhmey aragtida ka dambaysa dhaliilo loo jeedinayo qorshaha ciidanka Macawisley.

Siyaasiga ayaa su’aal ka keenay sababta ay dadka qaylinaya badankoodu ay u yihiin kuwo deggan meelo aanay kooxdani dhibaato wayn ku haynin, kuwaasoo sida hadalkiisa laga fasiran karo, aan sidoo kale hadli jirin ama aan maqaallo qori jirin marka uu dhib soo gaaro dadka ay inta badan qaraxa iyo qaxarka ku hayaan.

Waxaa dadkaa oo ay ka mid yihiin Cabdi Ismaaciil Samatar oo maqaal dheer qoray ugu dambeysa Caasha Axmed Cabdalla, taasoo sheegtay inay xitaa ”dembiilayaal” yihiin cidda ”Macawisley” adeejisey, iyadoo ku doodday inay jiraan ciidan xoog leh oo qaran, waloow lagu raaci karo inaan loo baahnayn qabaa’il hubaysan oo hor leh misna ma aysan sharrixin sababta ay Shabaabku u jiraan dhulna u haystaan haddii ay wax ku ool yihiin Ciidanka XDS.

Waxaa intaa dheer, in Ciidanka Xoogga Dalku ay haddaba dagaalka qaybta ugu wayn ka yihiin ciidan ahaan iyo saanad ahaanba, iyadoo ay taliska iyo qorshaynta mar walba leedahay DF, haddii uu jiro nidaam hufanna aanba loo baahdeen ”Macawisley” oo ay dantu keentay, loona baahan yahay in la xakameeyo marka dambe.

Waare oo warkeeda ka jawaabayey ayaa soo qoray: ”Waxaan aaminayaa inay daacad hadlayso, waxaana qiyaasayaa in si khaldan wax loogu sheegay. Balse maxay tahay sababta in dadka degaanku ay la dagaallamaan Shabaabka ay dhibaato intaa le’eg ugu hayson dadka kasoo jeeda degaanada nabdoon waa mid shaamarreer leh,”

”Miyaysan garwaaqsanayn inay u muuqanayaan inay la wanaagsan tahay in beelahani ay ku fiican tahay inay kusii hoos dhibtoodaan Shabaabku? Subxaanallaah!!” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media