”Wax aan ku cowryo ma jiraan aan ka ahayn inuu koox wayn u dheelo” – Laacib sheegay inuusan wax wayn meesha ku haynin SALAAX

0

(Beijing) 08 Nof 2022 – Weeraryahanka reer Cameroon ee Vincent Aboubakar ayaa sheegay in farqiga u dhexeeya isaga iyo Mohamed Salah ay tahay oo qura in xiddigga Liverpool uu fursad u haysto inuu u ciyaaro koox wayn.

Isaga oo markale naqtiimaya dhaleecaynta uu u jeedinayo wiilka Masriga ah, Aboubakar waxa uu sheegay in uu ‘samayn karo’ waxa uu Salah sameeyo waxa uuna intaa ku daray in uusan ‘dan ka lahayn’ hadii ay dadku iska indhatiraan fikirkiisa.

Aboubakar, oo Saudi Arabia ugu ciyaara kooxda Al Nassr, ayaa u sheegay 90FootballFr: ‘Aniga ima qancin isagu. Waan samayn karaa waxa uu sameeyo. Kaliya ma haysto fursad aan uga ciyaaro koox wayn.’

”Laakin waxaan sheegay waa rayigayga, aragtidayda gaarka ah. Wax iga galayna ma kiraan haddii dadku aysan jeclaysan.’ ayuu raaciyey.

Salah ayaa u dhaliyey 170 gool shantii xilli-ciyaareed ee ugu dambeeyey ee uu la joogey kooxda reer Merseyside ee Liverpool waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed guuleed kulankii ay Tottenham 2-1 kaga badiyeen Axaddii.

Waxa uu sidoo kale ku guulaystay abaalmarinta ciyaaryahanka sannadka ee Afrika ee sanadihii 2017 iyo 2018 – laakiin Aboubakar ayaa weli ah mid aan la dhicin waxaas oo idil.

Qof kale oo aan qabin aragtida Aboubakar waa tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp, kaasoo aaminsan in Salah lagu xasuusan doono inuu yahay mid ka mid ah weeraryahanadii abid ugu fiicnaa.

“Markaad dib u eegto, qof walba wuxuu xasuusan doonaa mid ka mid ah weeraryahanadii ugu fiicnaa ee aad abid la arko, sababtoo ah tirada goolashiisu waa kuwo gebi ahaanba waalli ah.” ayuu Klopp yiri kaddib guushii Tottenham oo uu ka xiddigeeyey laacibkan reer Masar.

Hadalsame Media