MW Ruushka oo mar qura ballanqaaday inuu difaaci doono dalka Ukraine & Dal qaybo ka goosan raba oo uu sheegay (Daawo)

0

(Hadalsame) 07 Nof 2022 – MW Ruushka ee Vladimir Putin ayaa waxa uu Poland u caddeeyey in Ruushku aanu ogolaan doonin qabsashada Galbeedka Ukraine iyo qayb kasta oo kale oo ka tirsan dalkaasi.

Putin oo dhowaan hadlayey ayaa sheegay in Poland, oo asal ahaan iyadu leh gobollada galbeed ee Ukraine, ay doonayso inay wada liqdo dalka Ukraine si ay u xukunto min bad ilaa bad (Badda Baaltigga ilaa Badda Madow).

”Waan ognahay inay weli nooshahay aragtida in la xukumo min bad ilaa bad, haatanna waxaan ciidankooda aan ciidankooda ku aragnaa dalka Ukraine. Istaraatijiyaddoodda ku haynaa aarkiifiyadeenna. Xitaa Ruushku wuxuu Ukraine siiyey dhulkooda taariikhiga ah iyadoon afti ka qaadin dadkii halkii degannaa.” ayuu ku abaal sheegtay isagoo xusay in Ruushka oo qur ihi uu yahay kan ay dhab ka tahay ilaalinta ammaanka Ukraine.

Madaxwaynaha Belarusia ee Alexander Lukashenko ayaa horay dhammaadkii bishii Maajo walaac uga muujiyey isku day uu sheegay in wadamada reer Galbeedku ay ku doonayaan in ay ku googooyaan dalka Ukraine xilli uu Ruushku dagaal wado dalkaasi, mar uu kulan la yeeshay dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, kaasoo ka dhacay magaalada Sochi.

“Siyaasiyiintu waxay qaadayaan tillaabooyin ay ku burburinayaan Ukraine. Waxaan ka walaacsanahay in iyaga, Polish-ka iyo xubnaha NATO, ay diyaar u yihiin inay soo baxaan, si ay ‘caawiyaan’ habkan, sidii ay yeeleen kahor 1939-kii, Galbeedka Ukraine, “ayuu yiri Madaxwaynaha Belarusia.

Warkiisaasayaa daba socdey hadal kale oo uu xilligaa jeediyey Madaxwaynaha Poland Andrzej Duda, kaasoo rajo ka muujiyey in mustaqbalka aysan gebi ahaanba jiri doonin xuduud u dhaxaysa Poland iyo Ukraine.

Hadalsame Media