DF Somalia oo markii ugu horreeysey ficil ahaan u qaadday tillaabo halis ku ah Al Shabaab

0

(Muqdisho) 07 Nof 2022 – DF Somalia ayaa markii ugu horreeysey ku guulaysatay inay xannibto koontooyin maaliyaddeed oo kooxda Al Shabaab uga furnaa xawaaladaha iyo bangiyada dalka, sida uu sheegay Wasiir Xigeenka warfaafinta.  

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala, oo warfidiyeenka kula hadlayey magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in koontooyinka la xannibay ay ku jiraan lacago badan oo ay leedahay kooxda Al Shabaab, taasoo uu sheegay inay ku fuliyaan hagardaamooyinka ay kula kacayaan shacabka Soomaaliyeed.

“In ka badan toban kun oo farriimood ayaa nasoo gaarey, kuwaas oo dadku nagula wadaagayeen koontooyinka ay Khawaarijta lacagaha ugu diri jireen, taasoo keentay in bangiyada iyo xawaaladuhu xannibeen koontooyinkaas ay lacaguhu ugu jireen Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiir Xigeenku. 

Al Cadaala ayaanse tafaasiil mucayin ah ka bixinin shirkadaha ay koontooyinka ugu furnaayeen kooxda Al Shabaab iyo haddii ay tillaabo ka qaadayaan iyo in kale, iyadoo inta badan DF lagu eedeeyo inay eedeeyaan dadka lacagaha bixiya balse ay ka gaabsadaan wasiilaadka ay isticmaalaan iyo cidda u sahasha, balse waxaa uu sheegay in tillaaabadani ay qayb ka tahay dhaqan galka go’aanno dowladda kasoo baxay oo lagu cuuryaaminayo ilaha dhaqaale ee Shabaabka.

DF Maraykanka ayaa qiyas ay samaysay ku muujisay in dakhliga Al Shabaab usoo xarooda sanadkii uu yahay celcelis ahaan 182 milyan oo Doollar, iyagoo ku tilmaamay kooxda ugu taajirsan kooxaha argagixisada ah.

Dakhliga ay Al Shabaab kasoo xarayso Dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada kale ayaa isna lagu sheegay inuu gaarayo $120 milyan oo Doollar, taasoo uu dheer yahay lacagaha kale ay ku hesho gobollada kale ee dalka oo dhan. 

Hadalsame Media