”Waa la dhameeyey” – Sirdoonka Ruushka oo ”kashifay” farriin qarsoodi ah oo ay RW hore dirtay (Cidda ay u dirtay & nuxurka?)

0

(Hadalsame) 06 Nof 2022 – Madaxa sirdoonka Dibedda ee Ruushka (SVR), Sergei Naryshkin, ayaa sheegay in uu hayo “caddayn dadban” oo ku saabsan fariin u akhrismaysa “Waa la dhammeeyey” taasoo lagu eedeeyey in Raysal Wasaarihii UK ee hore ee Liz Truss ay u dirtay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee Antony Blinken.

Ruushka ayaa ku doodaya in farriintani ay ku saabsanayd burburinta dhuumaha gaaska ee Nord Stream.

Intii lagu guda jirey wareysi kooban ee uu siiyay kannaalka Rossiya 1 Axadii, Naryshkin ayaa la weydiiyey bal in Sirdoonka Ruushku uu aaminsan yahay inay jiraan “sababo ku filan” in farriintan lagu xiriirin karo qaraxyadii ka dhacay gunta badda Baltic dabayaaqadii Sebtembar, kaas oo saddex ka mid ah afartii khad ee Nord Stream lagu waxyeelleeyey.

“Waxaan hayaa caddayn aan toos ahayn oo keliya waana in waxaas oo dhami ay salka ku hayaan arrintan,” ayuu madaxa sirdoonku ku jawaabay.

Dabayaaqadii bishii Oktoobar, Wasaaradda Difaaca ee Ruushku waxay si cad ugu eedaysay UK inay ku lug lahayd burburinta tubbooyinkan, kuwaas oo gaaska Ruushka u qaadayey Yurub iyada oo la sii marinayo Jarmanka.

Sida laga soo xigtey Wasaaradda, “Khubaro Ingiriis ah” oo ka socda Ciidanka Badda ee Royal Navy, oo fadhigoodu yahay magaalada  Ochakov, Ukraine, “ayaa ka qaybqaatay qorsheynta, taageeridda iyo fulinta” weerarka dhuumaha.

London ayaa eedeymahan uga jawaabtay qoraal ay soo dhigtay twitter-ka, iyadoo sheegtay in Moscow ay “baranayso sida loo sameeyo sheegashooyin been abuur ah oo heersare ah.”

Hadalsame Media