”Runta aan sheegno” – Dal ka tirsan kuwa ugu hodansan Khaliijka oo qiray inay ceelashada saliiddu ay sii yaraanayaan

0

(Hadalsame) 06 Nof 2022 – ”Saliiddu halkan kuma jiri doonto weligeed oo waxay gurba ku jirtaa “marxaladdii hoos u dhaca,” ayuu qiray Suhail Al-Mazrouei, Wasiirka Tamarta ee Isutagga Imaaraadka Carabta, oo ah dhoofiye wayn oo dhanka saliidda qeeriin ah.

Wasiirka ayaa mar uu ka hadlayey shirka tamarta ADIPEC ee lagu qabtay Abu Dabeey, wuxuu Al-Mazrouei ka digey “fikirka rabitaanka maran ku dhisan” ee loo malaynayo in saliiddu ay abid “halkaas ka qulquli doonto.”

“Si kasta oo aan u difaacno aragtidaas, waxay haatan saliiddu gashay xilligii hoos u dhaca,” ayuu raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay OPEC sii daysey barnaamij ay u bixisay ‘Muuqaalka Saliidda Adduunka’ ama ‘World Oil Outlook’ horaantii usbuucan, kaasoo ay ku saadaalisay baahida saliidda adduunka oo sii kordhi doonta ilaa 2045-ka, sababtoo ah waxaa diiradda la saaray amniga tamarta, xitaa iyadoo dunidu ay u socoto dhanka tamarta dib loo cusboonaysiin karo.

Warbixintu waxay xustay in saliidda la filayo inay weli sii haysato booskeeda ah saamiga ugu badan ee dhammaanba isu gaynta tamarta adduunku adeegsado, taas oo ka dhigan koror dhan 29% muddada saadaasha, iyo in warshaduhu ay u baahan doonaan $ 12.1 tarilyan oo maalgashi ah sanadka 2045 si loo daboolo baahidaasi.

Hadalsame Media