Maraykanka oo diyaarado dagaal u diray dhanka dalka Iiraan & Sababta

0

(Hadalsame) 06 Nof 2022 – Maraykanka ayaa diray diyaarado dagaal oo fadhigoodu yahay gacanka Beershiya oo ku jihaysan dhanka Iran, taasoo jawaab u ah xogo sirdoon oo sheegaya in Tehraan ay qorshaynayso weerar ka dhan ah Sucuudiga, sida ay ku warrantay Washington Post.

Tallaadadii la soo dhaafay, wargayska Wall Street Journal ayaa xarriiqay in Riyaad ay u sheegtay Washington in gantaalaha Iran iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee duqaynta lagu bartilmaameedsan karo gudaha dhulka Sucuudiga weliba “si dhow”.

Kaddib markii ay heleen xogtan, Maraykanku waxa uu diray diyaaradihiisa gobolka oo uu u diray dhanka hawada Iran wax lagu sheegay “bandhig awoodeed iyo falax-gooddin,” sida ay WaPo werinayso.

Tillaabada Washington, oo aan horay loo soo sheegin, ayaa ahayd “sawirkii ugu dambeeyey ee muujinaya xoogga iyo muhiimadda iskaashiga” maamulka Biden uu la leeyahay Sucuudi Carabiya, ayuu wargaysku raaciyey.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Iran ayaase iyadu diiddey sheegashada ah in ay qorshaynayso in ay weerarto Sucuudi Carabiya iyadoo ku tilmaantay “eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn,” oo loo dejiyey “si loo abuuro jawi xun oo ka dhan ah Iran iyo in la baabi’iyo isbeddellada togan ee hadda jira ee ka dhex socda dalalka gobolka.”

Hadalsame Media