”Waxaa dilkayga qorsheeyey 3 qof” – RW hore oo farta ku fiiqay rag uu ka mid yahay RW Pakistan ee xilka uga dambeeyey (Daawo)

0

(Hadalsame) 05 Nof 2022 – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan ee Imran Khan ayaa daaha ka qaaday sida ay tahay raajada la saaray lugihiisa oo muujinaya inay rasaasi weli ku dhex jirto kaddib markii la isku dayey in la dilo iyadoo uu nin hubaysani lugta ka toogtey xilli uu ku sugnaa isu soo bax dhacay maalintii Khamiistii.

Khan ayaa kasoo kabanaya dhaawaca isagoo ku jira isbitaalka kadib weerarkii ka dhacay Wazirabad iyadoo ay kumannaan dibadbaxayaal ihi ay isugu soo baxeen waddooyinka dalka Pakistan si ay uga dhiidhiyaan weerarka.

Waxa kale oo uu RW hore shaaca ka qaaday muuqaal uu ku magacaabay seddax qof oo uu ku eedeeyey inay ka dambeeyeen falkaas khaarajinta ah.

Siyaasigan oo 70-jir ah ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha hadda xilka haya ee Sharif Shehbaz Sharif, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Rana Sanaullah iyo Taliye Sare oo ciidamada ka tirsani ay maleegayeen isku daygii la doonayey in lagu khaarijiyo ee isaga lagu dhaawacay, wuxuuna sheegay in dalkiisu uu u socdo dhanka ‘kacaan uu dhiig badani ku daato’.

“Saddexdan nin waxay go’aansadeen inay i dilaan,” ayuu u sheegay weriyeyaasha isagoo ku sugan Lahore oo soo gudbiyey muuqaalkiisii ugu horreeyey tan iyo markii isbitaalka loola cararay weerarka kaddib. Waxa uu sidoo kale dalbaday in saddexdan qof ay is casilaan.

Waxa kale oo uu soo bandhigay sawirada sawirka Raajada oo laga arkayo xabbadihii lugtiisa ku dhacay iyadoo muujinaysa tarrar iyo xabadihii oo ay qaar ku jiraan.

Pictured: Pakistani police block a road in Karachi, Pakistan that is filled with protesters taking to the streets following the assassination attempt on former Prime Minister Imran Khan, who was leading a march when he was shot

Hadalsame Media