”Maadaama Soomaali Gaashaandhigga loo dhiibey xoolihii KDF ayay Somalia u direen” – Dood culus oo Kenya ka bilaabatay

0

(Nairobi) 05 Nof 2022 – Dowladda Kenya oo ka shidaal qaadanaysa wareegto ka timid Madaxwaynaha iyo Abaanduulka Guud ee Ciidamada Xoogga Kenya, Dr. William Samoei Ruto, ayaa maanta Dowladda Soomaaliya gaarsiiyey diyaarad sidda gargaar deg deg ah, kaddib qaraxyadii khasaaraha badan dhaliyey ee ay Al Shabaab gaysateen kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof.

Shixnadda ay Kenya soo gaarsiiyeen dalka oo ka timid Ciidamada Difaaca Kenya ayaa waxaa ay isugu jirtey Raashin kala duwan oo ay ka mid yihiin;

Hilib lo’aad, Baradhada qallalan, Basasha, Rooti, ​​dabacasaha ama karootada, Khudaarta isku dhafka ah ee laga keenay Wershadda Soo saarista Cuntada gasacadaysan ee KDF, saad dawo ah iwm.

Ha yeeshee, dadka Kenyan-ka ah ayaa durba bilaabay gunuunuc ku saabsan deeqdan kooban ee Somalia la siiyey iyagoo inta badan ku doodaya inay Somalia ka mudnaayeen dad gaaraya ilaa dhowr milyan ah oo Kenya ku macluulsan.

Balse, intaa kuma ekaane waxay hadda dooddii u rogeen in maadaama uu Wasiirka Gaashaandhiggu asal Soomaali yahay uu sidaa darteed xoolihii Ciidamada Xoogga uu Somalia ugu deeqay.

Orina Orina ayaa soo qoray: ”Raashinka gargaarka ah waxaa lagu asteeyey midabbada KDF… Wasiirka Difaacu waa Soomaali, Soomaali oo dhanna waxay ballanqaadeen in ay daacad u yihiin awoowgood kasoo jeeda Soomaaliya… Wax fikir badan u baahan ma ahan.”

Zanj Muhajirun ayaa isna ugu jawaabey: ”Soomaalidu hadda iyaga ayaa sidoo kale xukuma Booliiska, Wakaaladda Dakhliyada iyo Xafiiska Dacwad-oogista, marka dib dambe abidkood canshuur u bixin maayaaan.”

Ha yeeshee, dad Kenyan ah ayaa u jawaabey iyagoo sheegay in kaalmada Somalia la siiyey ay wanaajinayso xiririka labada dal iyo in kaalmo dal kale la siiyaa aysan ka dhignayn inuu dalkaasi dhan kasta ka ladan yahay.

Hadalsame Media