”Arrintaas ayaan isla garannay” – Ruushka oo ballanqaaday inuu kaalmo deg deg ah u diro dalka Somalia

0

(Moscow) 05 Nof 2022 – Dalalka Türkiye iyo Ruushka ayaa heshiis ku gaarey in si lacag la’aan ah badar loo gaarsiiyo dalalka saboolka ah, gaar ahaan kuwa Afrika kaasoo qayb ka ah heshiiska Badda Madow, sida uu sheegay Madaxwayne Recep Tayyip Erdoğan.

“Markii aan taleefoonka kula xiriirey Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin, wuxuu igu yiri, aan si bilaash ah raashinkan ugu dirno dalal ay ka mid yihiin Jabuuti, Soomaaliya iyo Suudaan – waana ku heshiinney,” ayuu yiri Erdogan oo xogtan ku sheegay khudbaddiisa intii lagu guda jirey Bandhigga MÜSIAD EXPO ee Istanbul. .

Faalladan ayaa timid kaddib markii Ruushku uu Arbacadii dib u bilaabay ka qaybgalka heshiiska badarka ee Turkiga iyo Qaramada Midoobay ay u kala dab qaadeen, taasoo soo afjaraysa afar maalmood oo aanu howshan ka qaybqaadan waloow weli la arkayey dhoofinta badarka oo kasii socotey dekedaha Ukraine.

Isbeddelka Moscow ee hishiiskan ayaa muhim ah iyadoo uu istaagey dhoofinta raashinkan wixii ka dambeeyey weerarkii Ruushku ku qaaday Ukraine 24-kii Febraayo.

Putin ayaa sheegay in xitaa haddii Ruushku uu ka baxo heshiiska mar kale, uu taa ku beddeli doono in dhammaan uu raashinka uu dhoofinayo uu u diro “wadamada ugu saboolsan” si bilaash ah, wuxuuna xusay inaysan caqabad ku noqon doonin shixnadaha raashinka ka imanaya Ukraine ee Turkiga tegaya.

“Waxaan hubaal ka dhigi doonnaa in maraakiib raashin sida ay gaaraan dhammaan dalalka u baahan, gaar ahaan Soomaaliya, Jabuuti iyo Suudaan, kuwaas oo la daalaa dhacaya dhibaatooyin cunto yari daran iyo macluul.” ayuu yiri Erdogan oo sheegaya hadalkii Putin faray.

Hadalsame Media