Dal arkay 180 diyaaradood oo xadkiisa usoo socda oo kiciyey 80 diyaaradood oo casri ah

0

(Hadalsame) 04 Nof 2022 – Millateriga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay inay kiciyeen diyaaradaha dagaalka kaddib markii ay ka war heleen ilaa 180 diyaaradood oo kuwa Kuuriyada Woqooyi ah oo maraya meel u dhow xadka aroortii Jimcahan.

Diyaaradda Kuuriyada Woqooyi ayaa duulayey woqooyiga waxa loogu yeero khadka cabbirka taatikada, oo 20 kilomitir (12 mayl) dhanka woqooyi ka xiga khadka xadaynta millateriga (MDL) ee labada dal, sida ku cad bayaan kasoo baxay millateriga Kuuriyada Koonfureed.

Kuuriyada Koonfureed ayaa kicisay 80 diyaaradood oo ay ku jiraan, nooca F-35A, ee raadaarka ka dhuunta, iyada oo ka jawaabaysa falka deriskeeda.

ilaa 240 diyaaradood ayaa guud ahaan maalmahan ka qaybqaadanayey dhoollatus cireed la yiraahdo “Duufaantii Feejignaanta” oo uu Maraykanku kula jirey, sida uu sheegay millaterigu.

10 ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Kuuriyada Woqooyi ayaa sameeyey dhoollatus midkan la mid ah bishii hore, taas oo keentay in Kuuriyada Koonfureed ay iyana soo kiciso diyaaradaha dagaalka.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa yimid kaddib markii Kuuriyada Woqooyi ay in ka badan 80 xabo oo madaafiic ah ku rideen badda habeen hore, waxay sidoo kalena ganeen gantaalo badan khamiisti, iyadoo ay jirto suurtagalnimada inuu ka fashilmay gantaalka isaga kala goosha qaaradaha (ICBM) oo ay tijaabiyeen.

Duullimaadka diyaaradahan ayaa keenay in Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay kordhiyaan dhoollatuska hawada taasoo kasii caraysiisay Pyongyang.

Hadalsame Media