“Mar buu xitaa igu xadgudbey” – Haweeney u shaqaynaysey milkiilaha Amazon oo dacwad xasaasi ah ka gudbisey (Muxuu ku sameeyey?)

0

(Hadalsame) 03 Nof 2022 – Haweeney u shaqayn jirtey ninka taajirka ah ee isks leh Amazon oo ay guriga uga adeegi jirtey ayaa Jeff Bezos dacwad ka gudbisey.

Dacwoodaha, oo la yiraahdo Mercedes Wedaa, ayaa ku andacoonaysa in lagu khasbay inay shaqayso saacado badan iyada oo aan helin biririf cunto, sidoo kalena lagu sameeyey takoor ku salaysan isirkeeda.

Wedaa waxay cabashadeeda u gudbisey maxkamadda gobolka Seattle Talaadadii. Waxayna sheegtay in ay bilowday u shaqaynta bilyaneerkan Sebtembar 2019-kii iyadoo ku qaadatay ku dhowaad saddex sano inay shaqaale u ahaato.

Waxaa loo dhiibey inay mas’uul ka noqoto koox ka kooban shan ilaa lix qof oo shaqaale guri ah, isagoo mar mar si aad ah hujuumi u noqonayey oo iyada ku xadgudbayey.

Gabadhan shaqaalaha hore ahaan jirtey ayaa waxa ay ka sheekeeysay in si isdaba joog ah loogu khasbay inay shaqayso 10 ilaa 14 saacadood maalintii iyada oo aan nasan.

Waxaa intaa dheer, in gabadhan guri-haysta ah la sheegay in loo diidey in iyada iyo shaqaalaha kale ay galaan musqul ku taal qol ammaan oo u dhow, taas oo la micno ah inay fuulayeen daaqad si ay u galaan musqul kale.

Marka la eego cabashada, dacwoodaha iyo shaqaalaha kale ee Isbaanishka ah ayaa loo malaynayaa in loola dhaqmay si ka duwan shaqaalaha cadaanka ah ee u shaqaynayey Bezos.