Imisa xabbo ayaa ku dhacday Imran Khan maxaase loo weeraray? (Mid ka mid raggii weeraray & Dowladda oo hadlay)

0

(Hadalsame) 03 Nof 2022 – Imran Khan ayaa la sheegayaa in lagu ridey 6 xabadood jeer uu dibedbax ka dhigayey Wizarabad oo ka tirsan Gobolka Punjab.

RW hore ee Imran Khan ayaa la sheegay in ninka hubaysani uu rasaasta ku ridey mar uu saarnaa gaari konteennar la saaray.

Imran Khan ayaa haatan waxaa lagu dawaynayaa isbitaal ku yaalla magaalada Lahore oo haddana naftiisu halis kuma jirto.

Mid ka mid ah laba nin oo fulisey weerarka Imran Khan ayaa laga sheegay inuu falkan ugu kacay: “maxaa yeelay wuxuu siyaasigu marin habaabinayey ummadda….”

Ragga weerarka gaystey midkood ayaa la sheegayaa in isna toogasho lagu diley.

Madaxwaynaha Pakistan ee Arif Alvi ayaa weerarkan Imran Khan ku tilmaamay “isku day dil oo kale”.

“Waxaan u mahadcelinayaa Eebe inuu nabdoon yahay laakiin wuxuu ku dhaawacmay dhowr xabadood oo lugtiisa ku dhacay waxaana u rajaynaya in isaga iyo inta kaleba ay caafimaadaan.” ayuu Twitterka ku qoray.

 

Hadalsame Media