DEG DEG: “Waa isku day dil!” – Imran Khan, RW hore ee Pakistan oo la dhaawacay (Daawo)

0

(Wazirabad) 03 Nof 2022 – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan ee Imran Khan ayaa laga toogtey lugta kaddib markii la weeraray kolonyo gelbinaysey, tiiyoo ay taageerayaashiisu sheegeen inuu ahaa isku day dil khaarajis ah.

Nin hubeysan ayaa la sheegay in uu rasaas ku furay xilli uu Md Khan khudbad u jeedinayey taageerayaashiisa isu soo bax ka dhacay magaalada Wazirabad ee bariga Pakistan.

 

Sky’s Cordelia Lynch, who was at the scene, said a Sky News producer was standing close to Mr Khan soon after the injured politician emerged from his container after the shooting

Cordelia Lynch oo ka tirsan Sky, oo goobta joogtey, ayaa sheegtay in soo saaraha Sky News uu ag taagnaa Mr Khan wax yar kaddib markii uu siyaasiga dhaawacmay uu ka soo baxay meeshii la geliyey toogashada kaddib.

Mr Khan ayaa si deg deg ah loogala cararay goobta, waxaana ay taageerayaashiisu sheegeen inuu ka badbaadey isku day dil.

Ciyaartoygii hore ee Xulka Cricket-ka Pakistan oo wadey riixitaanka doorashooyin cusub kaddib markii xukunka laga tuuray bishii Abriil – ayaa khudbado kulul ka jeedinayey isu imaatinno uu ka agaasimey dalka oo dhan.

Waxaa kale oo weerarkan lagu dhaawcay senatar ka tirsan xisbigisa oo lagu magacaabo Faisal Javad.

 

Hadalsame Media