Sucuudiga oo shaaciyey dal uu ka baqayo inuu weerar toos ah kusoo qaado iyaga iyo dal kale (Waa dalkee?!!)

0

(Riyaad) 02 Nof 2022 – Dalka Sacuudi Carabiya ayaa digniin gaarsiiyey saraakiisha sirdoonka Maraykanka iyagoo isha ku haya weerar kusoo wajahan dhulkooda oo ka imanaya dalka Iran, sida uu wargayska Wall Street Journal sheegay.

Inkastoo aysan jirin wax tafaasiil ah oo ku saabsan xogta uu wargaysku ka hadlay, ayaa haddana waxaa la sheegay in ciidamada Maraykanka, kuwa Sacuudiga iyo xulafada Bariga Dhexe haatan la galiyey heegan sare.

Iran waxay doonaysaa inay weerarto Boqortooyada lafteeda iyo xitaa magaalada Erbil ee dalka Ciraaq, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Maraykanka, sida ay saraakiishu u sheegeen dhiggooda Maraykanka, sida uu soo xigtey WSJ.

Xoghayaha Warfaafinta ee Pentagon-ka, Patrick Ryder ayaa u sheegay warfidiyeenka in Maraykanku uu “ka walaacsan yahay xaaladdan halista ah”, wuxuuna xusay “xaquuqda ay ku ilaalinayaan kuna difaacayaan dalalka la ologga ah meel kasta oo ay ciidamadoodu joogaan Sucuudi, Ciraaq ama meel kale.”

Sida joornaalka Wall Street oo kale, Ryder ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khatarta la sheegao.

Hadalsame Media