Somalia oo guul hor leh ka gaaraysa dhinaca isgaarsiinta (Inta magaalo ee helaya xarkaha CLS ee casriga ah)

0

(Muqdisho) 02 Nof 2022 – Waxaa la dhamaystiray xarun ay Xarkaha Internet-ka ee Baddu ay kasoo galaan xeebaha kuwaasoo loo yaqaan CLS, sida ay ku dhawaaqday Vertiv toddobaadkan iyadoo ay rakibaadda samaysay shirkadda Hormuud Telecom.

Hormuud Telecom oo ay xarunteedu tahay Muqdisho lana asaasay 2002-dii oo magacaasi bedeley Barakaat oo horay u jirtey, waa adeeg bixiyaha ugu wayn Soomaaliya dhanka isgaarsiinta, sida uu qorayo Submarine Telecoms Forum.

Sannadkii hore ayayna xubin cusub ka noqotay heshiiska DARE1 ee Dhismaha iyo Dayactirka Xarkahan (C&MA). Arrintan ayaa Somalia ka caawinaysa inay ka mid noqoto dalalka ugu internet-ka fiican dunida iyadoo helaysa khad rakhiis ah misna fudud.

Soomaaliya waxay hadda leedahay saddex goobood oo xariggan laga soo geliyo xeebaha kuwaasoo ku yaal Muqdisho oo loogu talagalay 3 goobood oo ay ku jiraan Djibouti Africa Regional Express 1 (DARE1) iyo xarigga ay Meta waddo ee 2Africa oo dhowaan soo gaaraya magaalada Muqdisho.

Boosaaso waxay iyana sidoo kale hoy u tahay xarkaha DARE1 iyo Gulf2Africa (G2A). G2A ayaa sidoo kale ka dhaadhaca magaalo-maarsada Berbera, iyadoo sidoo kale magaaladu noqon doonto meel ay ka soo degaan xarkaha Africa-1 iyo 2Africa.

Xarigga dhulka hoostiisa mara ee Nabadda ayaa lagu wadaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale uu gaari doonaa magaalooyin kale oo Soomaaliya ku yaalla sida Kismaayo, Boosaaso iyo Kismaayo. Halkan kasii aqri…

Hadalsame Media