Shabaabka oo isku dayey inay qiil u sameeyaan qaraxii Soobbe & Meesha aysan iska qabanayn

0

(Muqdisho) 02 Okt 2022 – Shabaabku waxay leeyihiin dhimashadii qaraxa Zoobe waxaa masuul ka ah dawladda waayo gaarigii oo aan weli Wasaaradda gaarin ayay xabbadeeyeen markaasuu shacab ku dhex qarxay.

Haye. Qof dhagax kugu soo tuuray oo aad aragtay dhagaxii oo wejigaaga ku soo beegan, oo aad markaas gacanta isaga dhigtay, oo gacantii ku dhaawacantay, oo markaad maxkamad tagtay garsoorihii ku yiri adigaa gacanta la doontay dhagax meel iska socda ee bax.

Labadaas caqli maxaa u dhexeeya? Haddii Shabaabku joogi lahaayeen Wasaaradda, oo arki lahaayeen gaari ku soo socda, ma sugi lahaayeen intuu shacabka ka soo dhex baxayo?

Diinta, caqliga iyo damiirkuba ma oggola in meel shacab masaakiin ah buuxaan qarax la soo geliyo. Jabhado aan Muslimiin ahayn ayaa ka fogaada inay shacab waxyeelleeyaan.

W; Q: Ustaad Cabdulqaadir Diiriye

FG: Wasaaradda Waxbarashada lafteedu waa xarun dadwayne ee ma aha xero ciidan oo waxaa daqiiqad kasta ku sugan dad rayid ah oo arday u badan oo halkaa adeegyo u doonta

Hadalsame Media