Geed dhulka Soomaalida oo idil ka baxa oo lagu baraarugi la’yahay WAXTARKIISA + Sawirro

0

(Hadalsame) 02 Okt 2022 – Hohob (Grewia penicillata) – Geedkan Hohobtu waa dhalad soomaal, waa mid ka mid ah dhirta Dhulsoomaalka u gaara ee uu GUULLE gooni inoogu galladay, waa nooc ka mid ah dhirta aan ka bixin dunida kale carrosoomaalka mooyaane.

Waa qayb ka mid ah khayraadka dabiiciga ah ee DAAYIN ugu deeqay Dalkeenna hodanka ah iyo deegaannadeenna Barakaysan. Geedkan Hohobta waa ka caan dhammaan Dhulsoomaalka oo Soomaalidu magacyo kala duwan ayey uga kala taqaanaa deegaannada kala duwan ee Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah Magacyadaas waxa ka mid ah;

1. Hohob
2. Ohob
3. Gomoshaa
4. Gomboshe
5. Toondhiidhi
6. Toon
7. Midhogeeljire

Hobobtu waa jaad ka mid ah geed gaabka, dherer ahaan wuxuu kor u gaadhaa 2m ilaa 3m.

Hohobtu waxay ku jirtaa Foolaadka dhirta ugu midhaha macaanka iyo dheefta badan, waxayna dhashaa midho casaan/Guduud ah midab ahaan oo qolof yar oo cawlani ku dahaadhantay sida Lawska oo kale.

Hohobtu waxay dhashaa labada Seyr, waa labada xilli guyaadeed ee Roobka iyo Raxmaadka ILLAAHAY inoo shubo ee Gu’gii iyo Dayrtiiya.

Midhaha Hohobta markay bislaadaan sidooda ayaa lagu cunaa, marna inta la tumo {Shiido/Ridqo} ayaa caanaha xoolaha lagu darsadaa oo laga sameeyaa sharaabka ugu dhadhanka iyo qaayaha weyn ee Hobcaanka, Sharaabkan Hobcaanka waa sida “Strawberry Milky” inkastoo Hobcaanka aan lagu dhererin karin oo uu Hobkaanku aad uga qaayo badan yahay dhankasta siduu dheemanku dhagaxa uga qaayo badan yahay oo kale.

Hohobtu waa Timir Soomaali ee waa in tixgelin togan la siiyaa horumarinteeda, sidokale waa in daryeelaa deegaannada ay Hohobtu si dabiiciya uga baxdo, sidokale waa in manaafacaadka Midhaheeda la horumariyaa oo la Wershedeeyaa si muddo dheer loo isticmaali karo, noocyo kala duwanna loo farsameyn karo.

W; D: Dhulbeeg Axmed Mooge

Hadalsame Media