EEU – Suuq xor ah oo uu Ruushku sameeyey oo sii ballaaranaya (3 dal oo Muslim ah oo ku biiraya & qaar galay)

0

(Hadalsame) 02 Nof 2022 – Dalka Iran ayaa la filayaa inay gasho Midowga Dhaqaalaha Eurasia ee uu hoggaamiyo Ruushka ee Eurasian Economic Union (EEU) mustaqbalka dhow, sida uu shaaciyey Ra’iisul Wasaare Xigeenka Ruushka ee Aleksandr Novak.

“Waxaan ku heshiinney inaan meesha ka saarno dhammaan caqabadaha hadda hortaagan horumarinta ganacsiga ka dhexeeya dalalkeenna oo aan meesha ka saarno caqabadaha soohdimaha dalalka,” ayuu yiri Novak intii lagu guda jirey shirka guddiga caalamiga ah ee ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalaha ee u dhexeeya Ruushka iyo Iran.

EEU, oo ka dhexeeya Midowga Kastamka ee dalalka Ruushka, Kazakhstan, iyo Belarus, ayaa la aasaasay 2015-kii. Markii dambena waxaa ku biiray dalalka Armenia iyo Kyrgyzstan.

2016-kii, Vietnam ayaa waxay si rasmi ah u noqotay waddankii ugu horreeyey ee aan gobolka ka mid ahayn ee xubin ka noqda ururkan. Ururka waxaa loogu talagalay in lagu hubiyo dhaqdhaqaaqa xorta ah ee badeecadaha, adeegyada, raasumaalka, iyo shaqaalaha ee u dhexeeya wadamada xubnaha ka ah.

In ka badan 50 waddan iyo ururro caalami ah, oo ay ku jiraan Shiinaha, Indonesia, Jordan, Thailand, iyo qaar ka mid ah dalalka Koonfurta Ameerika, ayaa iyana muujiyey xiisaha ay u qabaan heshiis ku saabsan ganacsi xor ah oo lala galo ururkan EEU.

Sida laga soo xigtey Novak, mugga ganacsiga u dhexeeya Ruushka iyo Iran ayaa aad u kordhay weliba “xawaare rikoodh jebis ah.” Waxay kor u kacday in ka badan 36% intii u dhaxaysey bilihii Janaayo-Agoosto ee shuruudaha sanadlaha ah, iyadoo gaartey $3.3 bilyan oo Doollar.

Ra’iisul Wasaare Xigeenka ayaa sidoo kale kalsooni ka muujiyey in tiradaasi ay dhowaan gaari karto 4 bilyan oo Doollar.

Hadalsame Media