XOG LA DUSIYEY: MW Maraykanka oo aad uga caroodey dhiggiisa Ukraine (Muxuu ka xanaaqey?)

0

(Hadalsame) 01 Nof 2022 – Joe Biden “ayaa xanaaqey” markii uu Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky uu waydiistay gargaar millateri oo dheeri ah islamarkiiba kaddib markii uu Madaxwaynaha Maraykanku ku wargaliyey in Washington ay Ukraine u diri doonto 1 bilyan oo Doollar, sida ay NBC News iminka sheegtay, waloow ay arrintu mar hore dhacday.

Biden wuxuu talefoon kula hadlay Zelensky bishii Juun, iyadoo uu Madaxwaynaha Maraykanku uu ku wargeliyey dhiggiisa Ukraine inuu ansixiyey $ 1 bilyan oo xirmo gargaar millateri ah oo la siinayo Kiev, sida ay warbaahinta Maraykanku werisey.

Biden wuxuu saxiixay $ 40 bilyan oo Doollar oo ka kooban xirmo gargaar dhaqaale iyo mid millateri toddobaadyo uun kahor, taasoo ka dhigaysa wadarta guud ee loo qoondeeyey Ukraine ku dhowaad ​​$ 55 bilyan waqtigaas.

Si kastaba ha noqotee, “Biden oo aanba u dhammeeynin warkii lacagtan uu siiyey ee ku saabsan xirmadan $ 1-ka bilyan ee Doollar ah, ayaa MW Ukraine bilaabay sheegida inuu u baahan yahay caawin dheeri ah oo uu u baahan yahay oo uusan weli helin,’ sida ay warbixintu sheegtay.

“Biden aad buu u xanaaqey.” ayay ilo ka tirsan Aqalka Cadi sheegeen, iyagoo intaa ku daray in xiriirka labada Madaxwayne uu tan iyo markaa soo yara hagaagey.

Si kastaba, doorashada mudda dhexaadka ee labada aqal ayay haddii ay Jamhuurigu guulasytaan waxay taasi yarayn doontaa gargaarka uu Maraykanka oo ah dalka ugu badani siiyo Ukraine, iyadoo aan weli la bixin $50 bilyan Doollar oo gargaar ah.

Hadalsame Media