”Waxaan amar ku bixinnay in lasoo rido!” – Laba dal oo Yurub ah oo uu dagaal ka dhex qarxi rabo

0

(Hadalsame) 01 Nof 2022 – Millateriga Serbia ayaa hadda qaba amarro ah inay si deg deg ah u burburiyaan diyaarad kasta oo cadaw ah oo soo gasha hawada dalkaasi, sida uu ku dhawaaqay Madaxwayne Aleksandar Vucic Talaadadan.

Amarka cusub ayaa yimid kaddib markii la kiciyey diyaarad MiG-29 ah oo loo diray si ay uga hortagto daroon lagu arkay hawada saldhig millateri ee u dhow soohdinta gobolka lagu muransan yahay ee Kosovo.

Diyaaradahan aan duuliyaha lahayn ee dhowrka ah ayaa lagu arkay hawada xarun ciidan oo ku dhow Merdare, taasoo ka mid ah meelaha la qorsheeyey in la iskaga gudbo ee Kosovo iyo Serbia inteeda kale, Vucic ayaana wuxuu amar ku bixiyey in milliterigu uu diro diyaarado amar lagu siiyey inay toogtaan oo soo ridaan.

Diyaaradaha Daroonka ah ayaa dabadeed si deg deg ah uga baxay meesha, sida ay ku warrantay warbaahinta Belgrade.

Amarka lagu soo ridayo diyaarad kasta oo cadaw ah ayaa se weli ah mid dhaqangelaysa, si kastaba ha ahaatee.

Wasiirka Difaaca ee Milos Vucevic ayaa goor sii horreeysey oo maanta ah shaaca ka qaaday in millateriga durba heegan sare la geliyey “si ay ugu diyaar garoobaan ka jawaabista fal kasta,” iyadoo maamulka Kosovo ee u badan qowmiyadda Albania ay isku dayeen inay ku khasbaan Serbiyiinta halkaasi ku nool inay beddelaan taarikada baabuurta iyo dkkumentiyadooda.

Hadalsame Media

Facebook Comments