Ruushka oo qiray arrin muhim ahayd oo uu ka qariyey dalka ay ologga yihiin ee Shiinaha

0

(Hadalsame) 01 Nof 2022 – Madaxweynaha Ruushka ee Vladimir Putin ayaa shaaca ka qaaday in uusan ogaysiis horudhac ah oo ku saabsan weerar millateri ee Ukraine uusan siinin hoggaamiyaha Shiinaha ee Xi Jinping.

Intii lagu guda jirey ka soo muuqashadiisa sanadlaha ah ee naadiga wadahadalka Valdai, wuxuu sharraxay in Ruushka iyo Shiinaha labaduba ay yihiin dalal madax-bannaan iyo in Beijing ay si cad u fahamsan tahay xaaladda Ukraine.

“No,” Putin said, when moderator Fyodor Lukyanov asked if he’d told Xi about the military operation, which started on February 24, when the two leaders met 20 days prior. Nor was Xi resentful or offended by that, the Russian president explained.

“Maya,” Putin ayaa ku bilaabay, markii uu weriye Fyodor Lukyanov uu waydiiyey inuu Xi usii sheegay hawlgalka millateri, ee bilaabmay 24-kii Febraayo, markaasoo ay labada hoggaamiye kulmeen 20 maalmood kahor. Xi kama xanaaqin gefna uma arkin taas, ayuu Madaxwaynaha Ruushku sharraxay.

“Hoggaamiyaha Shiinuhu maaha nooca qof ee wax kasta ay ka xanaajiyaan,” ayuu yiri Putin, isaga oo Xi ku sifeeyey mid “heerkiisu qoto dheer yahay”.

Dhanka inay ahayd Shiinaha la siiyo digniin hordhaca ah, Madaxwaynaha Ruushka ayaa wuxuu yiri, “ma lihin baahi noocaas ah. Waxaan gaarnaa go’aanno madaxbannaan, labadaba Ruushka iyo Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.”

Xukuumadda Beijing waa ay ogtahay waxa ay Moscow ka qabto rabitaanka NATO ee ah inay kaabayaasheeda ciidan usoo rarto xudduudaha Ruushka, ayuu Putin ku dooday.

Wuxuu intaa ku daray in Shiinuhu uu sidoo kale ka warqabo sababihii iyo cawaaqibkii ka dhashay afgembigii Maraykanku taageeray ee Kyiv ka dhacay 2014, iyo waxa ka dhacaya Donbass ilaa hadda.

“Hoggaanka Shiinuhu wuxuu u taagan yahay xal dhab ah oo dheellitiran oo lagu xallinayo dhibaatada Ukraine iyadoo loo marayo hab nabadeed, waana ixtiraamaynaa mowqifkan,” ayuu Putin usii raacoyey Lukyanov.

Hadalsame Media