Wacaal cusub oo kasoo kordhay baadigoobka loogu jiro weriye Cabdullaahi Jaamac & Wiil la socdey

0

(Hadalsame) 30 Okt 2022 – Waxaa ilaa shalay la la’yahay weriye Cabdullaahi Jaamac Cali Dhiid oo ka tirsanaan jirey bahdii Hornafrik iyo wiil ay ilmo adeer ahaayeen oo la yiraahdo Max’ed Duwane Aadan Cali Dhiid, balse waxaa haatan soo baxay wacaal naxdin leh.

Cabdiweli Isxaaq Abuukar oo ay Cabdullaahi Jaamac qaraabo dhow yihiin ayaa weriye Yaxye Cali Faarax u xaqiijiyey inay haatan ka quusteen in nolol lagu helo labada nin ee maqan taasoo ka dhigan inay dhinteen.

Wuxuu intaa raaciyey inay tageen inta isbitaal ee dhaawac iyo mayd la geeyey wax geeridooda iyo noloshooda ahna aysan ku arag.

Wuxuu kaloo sheegay inay tageen goobta qaraxa oo dad hor leh laga soo saaray burburka hoostiisa balse aan halkaana lagu haynin.

Cabdiweli oo tacsi soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa Yaxye u sheegay inay haatan garaysteen in Cabdullaahi Jaamac oo reer London ahaa xilliyadii dambe iyo wiilkii la socdey ay dhinteen.

Wararkii ugu dambeeyey waxay xaqiijinayaan inay dhinteen Cabdullaahi Jaamac iyo wiilkii la socdey. Allaha ha u naxariisto iyaga iyo inta kale dhammaan. Aamiin.

Hadalsame Media