Tillaabo ay qaadeen shirkadaha diyaaradaha oo shaki hor leh abuurtay (Shirkad 3 maalin kahor e-maillo diraysey)

0

(Muqdisho) 30 Okt 2022 – Waxaa Muqdisho shalay ka dhacay qaraxii 2-aad ee ugu waxyeello badnaa muddada 20-ka sano ku dhow ee ay qaraxyadu socdaan, kaasoo ka dhacay isla goobtii uu ka dhacay qaraxii hore ee Soobbe.

Haddaba, waloow la is waydiinayo su’aalo badan misna waxaa haatan soo baxaya khabar hor leh oo keenaya jahawareer badan.

Xogo aannu ka xaqiijinnay ilo wargal ah ayaa sheegaya in shalaytoole ay inta badan baaqdeen diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho taga.

Waxaa baaqday dayuuradaha Turkish Airlines, Qatar Airways, halka Ethiopian Airlines ay iyadu kasoo dib dhacday waqtigii ay iman jirtey caadiyan oo ahaa 10:00 AM, iyadoo uu qaraxu dhacay markii ay degeysey.

ARRINTA YAABKA LEH – Shirkadda Qatar Airways oo iyadu aan xafiis toos ah Muqdisho ku lahayn ayaa la sheegay inay iyadu 3 maalmood kahor E-mail u kala dirtay dadkii raaci lahaa iyadoo u sheegaysa inaysan Sabtiga iman doonin, iyadoo maantana baaqatay.

Turkish Airlines, iyo Ethiopian Airlines iyagu Axaddii maanta ahayd waa yimaadeen, walow Turkigu ay shalay baaqatay.

Waxaa kale oo la sheegayaa in shisheeyaha Xalane ay iyaguna isu digayeen oo ay farriimo u kala dirayeen howlwadeenkooda.

Xogo kale ayaa iyana sheegaya in Sirdoonka iyo hay’adaha DF Somalia laftoodu ay sii ogaayeen balse aan wax tillaabo ah la qaadin ama aan dadka loo digin.

Hadalsame Media