Shabaabka oo laga qabsaday goob istaraatiji ah oo aad loogu dagaallamayey

0

(Hadalsame) 30 Okt 2022 – Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka degaanka ayaa si buuxda ula wareegey gacan ku haynta degaanka Masaajid Cali Guduud oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka HirShabeelle, sida ay hadda baahinayso warbaahinta DF.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Gorgor ayaa la sheegay inay ka qaybgaleen dagaalkan oo aad u cuslaa loogana saaray godadkii dhufayska ahaa ee ay isku qarinayeen, sida ay warbixintu sheegtay.

Waxaa sidoo kale gacan siinayey qaybaha kale ee Ciidanka Qaranka iyo dadka degaanka oo iyana hawlgalkan ka qaatay door muhim ah.

“Masaajid Cali Gaduud ayaa ahaa goob aad muhiim ugu ah Shabaabka wuxuuna si gaar ah ugu ahaa il dhaqaale oo ay ku urursadaan xoolaha baadda ah ee ay ka dhacaan shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay DF.

Xoraynta degaankaan ayaa waxaa Shabaabka uga dhimatay in ka badan 100 dagaalyahan oo ka tirsan horjoogayaasha iyo malleeshiyaadkooda, ayay raaciyeen.

Degaankan ayaa sidoo kale muhim u ah isu socodka ciidanka iyo saanadda kooxda.

Hadalsame Media