Ruushka & Maraykanka oo wada hadli kara & Shuruudaha ay Moscow wadato

0

(Hadalsame) 30 Okt 2022 – Wadahadallo suurtagal ah ee u dhexeeya Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin iyo dhiggiisa Maraykanka ee Joe Biden ayaa waxay ku xirnaan doonaan rabitaanka Washington ee ah in la maqlo welwelka amni ee Moscow, sida uu sheegay Xoghayaha Warfaafinta ee Kremlin.

Xilli uu la hadlayey TV-ga Rossiya-1, Dmitry Peskov wuxuu sheegay in dib-u-bilaabista wadahadallo uu heerkoodu sarreeyo ay dhici karaan oo qura haddii Maraykanku “uu dhegaysto welwelkooda.”

Waxay ku xirnaan doontaa “rabitaanka Maraykanka ee ah in uu dib ugu laabto sidii xaaladdu ahayd bilihii Diseembar-Janaayo oo la waydiiyo su’aasha ah: waxa ay Ruushku wadaan naguma habboona dhammaanteen, laakiin waxaa laga yaabaa inaan u baahan nahay inaan la fadhiisanno miiska wada xaajoodka?”

Afhayeenku wuxuu sharraxay inuu tixraacayo dlkumentiyada qabyada ah ee ku saabsan dammaanad qaadka amni ee Moscow ay u gudbisey labada Brussels iyo Washington kahor inta uusan dhicin Dagaalka Ukraine dabayaaqadii Febraayo.

Bartamihii bishii Diseembar ee sannadkii hore, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka ayaa daabacday qabyo-qoraalka laba heshiis – mid Maraykanka ah iyo mid NATO khuseeya – oo wata liiska shuruudaha amni ee Moscow, si loo yareeyo xiisadda Yurub.

Waqtigaasi, Ruushku wuxuu rabey in reer Galbeedka ay ka mamnuucaan Ukraine inay soo galaan Gaashaanbuurta NATO islamarkaana ay xaddidaan soo ciidamada iyo hubka ay soo dhoobayaan dhinaca bari ee Yurub.

Waxa kale oo ay Moscow ku adkaysatay in isbahaysiga milllateri ee NATO ay dib ugu gurtaan xudduudihii ay joogeen laga soo bilaabo 1997-kii, kahor inta aanay isku ballaarin dhinaca bari.

Hadalsame Media