QORMO QAMUUNYAYSAN: Qaar ka mid diiwaannada xanuunka badan ee aan ka hayno dadkii shalay ku dhintay qaraxii dhacay

0

(Muqdisho) 30 Okt 2022 – Waxaa Muqdisho shalay ka dhacay qaraxii 2-aad ee ugu waxyeello badnaa muddada 20-ka sano ku dhow ee ay qaraxyadu socdaan, kaasoo ka dhacay isla goobtii uu ka dhacay qaraxii hore ee Soobbe.

Haddaba, aynu eegno qaar ka mid ah diiwaannada dadkii shalay ku dhintay ama uu dhibka wayni kasoo gaarey qaraxii shacabka lala eegtay:

Waxaa dadkii dhintay ka mid ahaa weriye Maxamad Ciise Koonaa waxaana geeridiisa wehlisa murugooyin kasii horreeyey, waayo aabihiis iyo hooyadiis waxaa horay u dilay dablay hubaysan.

Halka wiilkii kaliya ee la dhashay ee Mahad Ciise Koonaa (AUN) ay isna ay tuugo hubaysani ku dileen dalka Koonfur Afrika xagaagii 2021-kii.

Cabdullaahi Jaamac Cali Dhiid (AUN) oo ka tirsanaan jirey bahdii Hornafrik iyo wiil ay ilmo adeer ahaayeen oo la yiraahdo Max’ed Duwane Aadan Cali Dhiid, balse waxaa xitaa la waayey raq iyo ruux, iyadoo la sheegtay inay fadhiyeen safka hore ee goob ku taalley xuddunta qaraxa.

Tan ugu xanuunka badani waa in Jaamac oo muddo ku maqnaa qurbaha uu halkaas u tegey si uu u arko hooyadii oo aysan muddo dheer is arag, balse nasiib darro tiisii ayay noqotay.

May be an image of 1 person, child and text

Gabadhan yari hadda jir ahaan ma dhiman balse niyad ahaan waa dhimatay marka la eego dhibka ay u ban baxday iyo midka hadda kaddib sugaya. Waxaa qaraxa ku dhintay hooyadeed waxaana laga soo dul qaaday iyadoo ku dul ooyaysa. Waxa dhacay ma fahamsana balse durba way dareemaysaa xanuunka sidoo kalena way dareemaysaa wixii argagax, il xumo iyo cabsi shalay goobta ka dhacay.

Waxaa diiwaannada xanuunka badan ka mid ah midka Xafsa Cabdullaahi iyo aabeheed oo isagu shalay ku dhintay qaraxa. Saddex sano iyo bar kahor Xafsa Cabdullaahi waxay aabaheed ugu deeqday xubin ka mid ah kuweeda ugu muhiimsan.

Waxay u bixisay kellideeda. Taasoo ka dhigan in labaduba ay ka badbaadeen qalliin aan la saadaalin karin oo dhib badan. Shalay ayay Xafsa waxay qaraxii Soobbe ku wayday aabaheed oo caafimaad qaba.

May be an image of 1 person and text

Ninkan odayga ah ee meesha fadhiya wuxuu muuqaalkiisu sawirayaa xaaladda boqollaal qof oo kale oo ay shalay sidani ku dhacday. Wuxuu tegey goobtii qaraxa si uu u baadi goobo dad ehelkiisa ah oo meesha ku ganacsan jirey, balse markii uu ka quustay raq iyo ruux ayuu halkaas qamuunyo la fariistay.

Hooyo Madiina Cabdulqaadir Xaaji (Madiina Caddaan) waxay ka mid noqotay dadkii ku dhintay qarixii koowaad ee ka dhacay dhabarka dambe ee wasaaradda warbarashada, waxay ka mid ahayd dadka halkaa muddada dheer ku iibinayay qaadka.

Gabadheeda Iqro Cabdi abuukar oo meel xoogaa u jirta ku haysatay ganacsi, ayaa markii ay maqashay jugta qaraxa koowaad waxay is tiri bal hooyo soo eeg, balse markii ay soo gaartey goobta waxay la kulantay qarixii labaad oo ay ka mid noqotay dadkii ku geeritooday, sida ay Ashar Xaaji Cabdi oo ka mid ah qoyska ay ka baxeen hooyo Madiina iyo gabadheeda Iqro ay BBC-da u sheegtay.

NIN GAARI GACALE AH – Nin kale oo dan yar ah oo suuqa gaari gacan uga xamaasha, waxay dhiilladu soo gaartey isagoo raadinaya bariiska reerkiisa balse markii uu tegey isbitaal la geeyey xaaskiisii waxaa loo sheegay inaan waxba loo qabanaynin haddii aanu bixinin lacag ku dhow 50 Doollar, wuxuuna sheegay inuu intaas qof ka bixiyey, balse dhibkiisu intaa kuma hari doono. Waxaa weliba la yaab leh in Somalia oo ah dal faqri ihi ay wax kastaahi qiime ahaan ka sarreeyaan inta uu celcelis ahaan qofku bixin karo.

AABE ISBITAAL KASOO BAXAY – Aabbe qaba xanuunka macaanka oo sababay in lug looga jaro balse markii lasoo daaweeyey dorraad kasoo baxay Isbitaalka Madiina isaga oo u socda inuu reerkiisii dib ula midoobo, nasiibdarro la kulmay qarixii Soobbe, isagoo hadda yaalla Isbitaalka Madiina xilli lugtii kalena uu qaraxu ka jaray.

WAALID BAARAYA MAYDKA ILMOHOODII OO BACO KU JIRA – Waxaa sidoo kale nasoo gaartey waalid iyo walaalo isbitaallada tegey oo ka dul dhacay dadkii ehelkooda ahaa oo googo’an ama aan ku sugnayn xaalad la eegi karo, sida hooyo la sheegay inay aqoonsatay madaxa wiilkeedii oo go’an.

Intani waa qayb yar oo ka mid ah tacaalada ka dhalatay qaraxii aan cidna looga turin ee shalay ka dhacay Isgoyska Soobbe.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media