KUD & QANJE: Laba dhibaato oo waawayn oo laga soo sheegayo isbitaallada la geeyey dhaawaca & dhimashada

0

(Muqdisho) 30 Okt 2022 – Waxaa Muqdisho shalay ka dhacay qaraxii 2-aad ee ugu waxyeello badnaa muddada 20-ka sano ku dhow ee ay qaraxyadu socdaan, kaasoo ka dhacay isla goobtii uu ka dhacay qaraxii hore ee Soobbe.

Haddaba, waxaa dadkii ay halkaa wax kasoo gaareen iyo ehelada u gurmanaysa haatan ay dhibaato ka haysataa isbitaallada oo uusan ku jirin mid bilaash ummadda wax ugu qabta iyo jidadka qaar oo xiran taasoo keenaysa inay adkaato inay dadku gaaraan goobaha ay ku tebayaan dadka dhaawaca ah ama maydadka.

Tan ugu darani waa in isbitaalladu ay lacag waydiinayaan qofkii oo dhiig baxaya, ogsijiin u baahan ama qalliin deg deg ah, iyadoo aan qofka waxba loo qabanaynin jeer la shubo lacagahaa faraha badan.

Isbitaallada qaarkood ayaa waxaa xitaa lagu eedaynayaa inay lacag ka doonayaan dadka gurmadka ah ee dhiigga u shubaya shacabka, taasoo ah dhiig-miirasho meeshii ugu sarreeysey.

Waxaa halkan sidoo kale xusid mudan, in DF iyo Maamulka Banaadir oo labaduba shacabka canshuur ka qaada aysan diyaarin hal isbitaal oo ay dadwaynuhu ku baxsadaan, iyadoo xitaa isbitaalladii ummadda sida kii Guud ee Difgeer, kan Booliiska ee Madiina, kan carruurta ee Banaadir IWM lacag la isku daweeyo.

Waxaa dheer, in maydadkii oo googo’an inta meel la tuulo dadkii la leeyahay qofkaaga ka raadso, taasoo marka laga soo tago halista ka iman karta niyad ahaan marka uu qofku arko qofkiisii oo googo’an misna aan hayn hab-raac xirfadaysan oo ay isbitaalladu u dhaqmaan anshax ahaan.

Hadalsame Media