Hubka Ukraine lagu qarqiyey oo dib si suuq madow ah usoo galay dalal Yurub ah (Magacyadooda?)

0

(Hadalsame) 30 Okt 2022 – Dembiilayaal ku sugan dalka Finland iyo dalal kale ayaa gacanta ku dhigay qaar ka mid ah hubkii ay taageerayaashooda reer Galbeedka ah u soo direen dalka Ukraine xilli ay isku dhacsan yihiin Ruushka, sida ay sheegtay hay’adda Dembi Baarista Qaranka ee Finland (NBI).

“Waxaan aragnay calaamadaha hubkan oo mar horeba soo gelaya Finland,” ayuu yiri Kormeeraha NBI ee Christer Ahlgren oo la hadlay wargayska Yle goor dhowayd.

Qoryaha darandoorriga u dhaca ayaa ka mid ahaa hubkan, ayuu sheegay Ahlgren, laakiin wuxuu diidey inuu bixiyo faahfaahin dheeri ah, maadaama baaritaanku uu wali socdo.

Waddooyinka hubka laga keeno Ukraine ee loo safriyo ilaa Finland ayaa si qorshaysan loo agaasimaa, sida uu sheegay baaruhu.

“Saddex ka mid ah kooxaha gaangiska ah ee mootooyinka adduunka ugu waawayn – oo qayb ka ah kooxo kale oo caalami ah – ayaa ka howlgala Finland. Mid ka mid ihi waa Bandidos MC, oo unug ku leh magaalo kasta oo wayn oo Ukrainian ah, ayuu yiri.

“Ururrada dembiilayaasha waxay shabakado ku leeyihiin dekedaha ganacsiga ee Finland,” Ahlgren ayaa tilmaamay, isaga oo intaa ku daray in hubinta amniga ee khasabka ku ah shaqaalaha garoomada diyaaraduhu aysan khusayn shaqaalaha dekedda.

Finland maaha dalka kaliya ee EU ka mid ah ee dhibaatadan oo kale qaba, sababtoo ah “hubka loo dhigo Ukraine ayaa sidoo kale laga helay dalalka Sweden, Danmark iyo Netherlands,” ayuu yiri.

Hadalsame Media