Ruushka oo dhoollatus ku sameeyey laba dal oo uu digaandigo uga dhigayo hubka nukliyeerka (Dayax-gacmeedyada oo uu u dhaartay)

0

(Moscow) 29 Okt 2022 – Dhoollatusyo waawayn oo Nukliyeerka oo uu la socdey MW Vladimir Putin ayaa waxaa loo dhigay qaab muujinaya in Britain iyo Maraykanka laga tirtiro khariidada adduunka, sida uu sheegay mid ka mid ah hillinada warbaahineed ee taageera Dowladda Ruushku.

Kornayl Igor Korotchenko, oo ah tifaftiraha guud ee majaladda Difaaca Qaranka ee Ruushka, ayaa sheegay in gantaaladii dhoollatuska ee badda hoosteeda iyo kuwa laga rido dayuuradaha duqayntu ay ahaayeen qaab ay ku muujiyeen kartida dalkiisu uu u leeyahay in uu qaado weerar aargoosi ah oo aad u adag, haddii ay weligood la kulmaan weerarro nukliyeer ah.

Mr Korotchenko ayaa si cad u sheegay cidda dhoollatusyadani ay ku wajahan yihiin, isagoo u sheegay TV-ga qaranka: ‘Yaa Ruushka ku qaadi kara weerar Nukliyeer ah oo horseed ah? Dabcan Maraykanka iyo UK. Ma garanayo in [Madaxwaynaha Faransiisku] Macron uu yahay qof ku biiri lahaa tacaburkan… Aad bay marka muhim u tahay in aan muujinno cidda cadowgeenna ah iyo waxa iyaga sugaya.’ ayuu ku falax gooddiyey.

Haddii duqayntan si dhab ah loo fuliyo, Mr Korotchenko ayaa ku faanay in Britain ay hoos geli doonto Badwaynta Atlaantigga, halka Maraykankana uu jiri marin-badeed cusub oo  loogu magac daray Joseph Stalin.

“Ma jiro wax tanaasul ah,” ayuu raaciyey. ‘Ishaaradan waxaa loo diray Maraykanka iyo UK. Tani [waa inay ka dhigtaa] inay miyirsadaan oo ay maskaxdooda nadiifiyaan. Tani ma aha rakaato nukliyeer. Balse waa waxa aan runtii samayn lahayn [haddii] nala duqeeyo.” ayuu raaciyey.

And adding to tensions, Russia today warned that it could attack the West’s commercial satellites in ‘retaliation’ to the US and its allies using them to aid Ukraine’s war effort.

Waxa kale oo uu ku daray, in Ruushku ay weerari karaan dayax-gacmeedyada ganacsiga ee reer Galbeedka si ay ‘ay uga aargoostaan’ Maraykanka iyo xulafadiisa iyaga oo u isticmaalaya inay ku caawiyaan dalka Ukraine.

Hadalsame Media