Ruushka oo dal hor leh ku eedeeyey 2 weerar oo mid lagu qaaday raxantiisa Badda Madow & Dhuumaha gaaska (Ma aha dalka la moodayo)

0

(Hadalsame) 29 Okt 2022 – Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in bishii hore kas loo qarxiyey dhuumaha gaaska ee Nord Stream, taasoo ay ku eedeeyeen dalka UK markii 1-aad, waana sheegasho ay London ku tilmaantay been abuur ah loogu talagalay in dadka looga mashquuliyo fashilka millateri ee Moscow ee Ukraine.

Ruushku ma uusan bixin wax caddaynta eedaymaha ah in xubin ka tirsan NATO ay kharribtay kaabayaasha muhimka ah ee Ruushka tiiyoo lagu jiro qalalaasihii ugu xumaa dhanka xiriirka u dhexeeya reer Galbeedka iyo Moscow tan iyo waayihii Dagaalkii Qaboobaa.

Wasaaradda Ruushka ayaa ku eedaysay “Khubaro Ingiriis ah” oo ka tirsan isla unugtii hagaysey weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, ku qaadday maraakiib ka tirsan raxanta Badda Madow ee Ruushka ee Crimea horraantii Sabtidan maantu, inay mas’uul ka ahaayeen burburinta dhuumaha Nord Stream.

“Sida laga soo xigtey wakiillo ka socda unugtan ka tirsan Ciidamada Badda ee Ingiriiska ayaa ka qaybqaatay qorshaynta, bixinta iyo hirgelinta weerar argagixiso oo ka dhacay badda Baltic bishii Sebtembar 26-keedii – iyagoo qarxiyey Nord Stream 1 iyo Nord Stream 2 oo ah dhuumaha gaaska Ruushka.” Ayay tiri Wasaaraddu.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa beenisey eedeyntan.

Hadalsame Media