Waddan hub culus usoo diray DF Somalia (Halka uu ka yimid & halka uu ka degey)

0

(Hadalsame) 27 Okt 2022 – Diyaarad millateri oo siddey hub culus ayaa shalay ka degtey magaalada Muqgdisho taasoo kasoo duushay dalka Imaaraadka Carabta.

Diyaaraddan oo ah nooca xamuulka ah ee Ruush-sameega ah ee IL76TD oo ku diiwaangashan ZAV9811, ayaa ka degtey  Muqdisho.

Yeelkeede, waloow raadaarka webabka duullimaadyada raadiya laga arki karo misna dayuuraddan oo kasoo duushay Imaaradda Ra’sal Khaymah wax xog ah lagama hayo.

Lama hayo wax tafaasiil ah oo ku saabsan nooca hubka.

Imaaraadka oo aysan xukuumaddii hore isku fiicnayn ayaa haatan saaxiib istiraatiji ah u ah nidaamka MW Xasan Sheekh oo iclaamiyey dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Hadalsame Media