Maraykanka oo Sucuudiga ku dhuftay meel xanuujinaysa & Digniin kasoo baxday Sucuudiga

0

(Hadalsame) 27 Okt 2022 – Wasiirka Tamarta ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Amiir Cabdulcasiis bin Salmaan, ayaa ku dhaleeceeyey waddamo uu Maraykanku ku jiro inay fureen kaydkooda shidaalka xaaladaha deg degga ah si ay wax uga beddelaan qiimaha suuqa, wuxuuna ka digey cawaaqibka ka dhalan kara haddii kaydkaasi qallalo.

“Waa waajib qoto dheer in aan u caddeeyo aduunka in luminta kaydka deg dega ihi uu xanuun badan yeelan karo bilaha soo socda,” ayuu wasiirka Sucuudiga u sheegay shirka maalgashiga mustaqbalka ee Riyaad.

Waxa uu xusay in kaydka in hay’adda Bstroolka Istaraatiijiga ah ee Maraykanka (SPR) aan loogu talagelin in lagula tacaalo kororka qiimaha, balse taa bedelkeeda loo sameeyey inay wax ka qabato caqabadaha saadka deg dega ah.

Hadalkan ayaa imaanaya kaddib markii Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden uu ku dhawaaqay in 14 milyan oo foosto oo kale ay iibinayso SPR, kaddib markii horay loo iibiyey 180 milyan oo foosto oo saliid ah tan iyo bishii Abriil, taasoo ka dhigan in Maraykanku uu kas u jebinayo sicirka shidaalka.

Toddobaadkii hore, mas’uuliyiinta Maraykanku waxay sheegeen inay sii dayn doonaan saliid cayriin oo dheeraad ah oo ka imanaysa SPR si ay u daboolaan qiimaha batroolka Maraykanka kadibna ay u buuxiyaan kaydka.

Isticmaalka taariikhiga ah ee kaydka deg degga ah ayaa walaac geliyey maalgashadayaasha adduunka, maadaama xaddi xad dhaaf ah oo saliid ah ay ku soo qulquli karaan suuqa oo ay cadaadis saari karaan sicir suuqa.

Sida laga soo xigtey falanqeeyaha saliidda ee Energy Aspects, Amrita Sen, SPR ayaa hadda “gebi ahaanba loo isticmaalaa in lagu ilaaliyo in qiimaha shidaalku uu hoos joogo inkastoo taasi aysan ahayn waxa loogu talagalay in hay’addan loo isticmaalo.” Sida uu yiri.

OPEC+ ayaa beri dhowayd ku dhawaaqday in wadammada xubnaha ka ah kooxdu ay dhimi doonaan wax soo saarka saliidda 2 milyan oo barmiil maalin kasta laga bilaabo bisha Nofeembar.

Hadalsame Media