DEG DEG: Maraykanka oo ka digey weerar argagixiso oo ka dhici kara South Africa (Goorta & Goobta?)

0

(Hadalsame) 26 Okt 2022 – Safaaradda Maraykanka ayaa digniin iyo qaylodhaan kasoo saartay “weerar argagixisanimo oo ay sheegtay inay suurtagal tahay” inuu ka dhaco aagga Sandton Area ee Johannesburg dhammaadka usbuucan.

Digniintan dhanka ammaanka ah oo loo jeediyey muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Koonfur Afrika, ayaa lagu yiri, “argagixisada ayaa laga yaabaa inay qorshaynayaan weerar ay ku bartilmaameedsanayaan isu imaatinka dadka badan meel aan la cayimin” oo ku taalla Sandton Sabtida soo aaddan.”

“Ma jirto xog dheeri ah oo ku saabsan waqtiga, habka, ama bartilmaameedka weerarkan suurtagalka ah.” ayaa lagu yiri digniinta.

Safaaradda Maraykanka ayaa kula talisay shakhsiyaadku inay iska ilaaliyaan isu imaatinnada waawayn ee ka dhacaya aaggaas maalmaha Sabtida iyo Axadda.

 

Hadalsame Media