WhatsApp oo hawada ka maqan meelo badan & Shirkadda Meta oo markii ugu horreeysey ka hadashay

0

(Hadalsame) 25 Okt 2022 – Farriin-walaha WhatsApp, ee ay iska leeyihiin shirkadda Facebook leh ee Meta, ayaa waxa soo gaartey cillad caalami ah Talaadadan.

Dhibaatada ayaa markii ugu horreeysey la ogaadey 3:17 a.m. ET, sida laga soo xigtey Downdetector.com, taas oo la socota maqnaanshaha dhammaan adeegyada internet-ka.

Isticmaalayaashu waxay ka warrameen  dhibaatooyin ay ku qabaan dirista iyo helitaanka farriimaha. Adeeggii caadiga ahaa ee WhatsApp ayaa weli maqan oo aan lama soo celin.

Shabakadda WhatsApp, qaybta webka ee fariin qaadahan, ayaan isna dallacmaynin markii ay tijaabisey CNBC. “Hubi in kombuyuutarku kuu leeyahay xiriir internet oo shaqaynaya,” ayay soo tuuraysaa mareegta WhatsApp Web.

Meta ayaa markii dambe xaqiijisay cilladan laga sheegayo WhatsApp-ka.

“Waan ka warqabnaa in dadka qaar ay hadda dhibaato ku qabaan dirista ama helista farriimaha waxaana ka shaqaynaynaa sidii aan WhatsApp ugu soo celin lahayn qof walba sida ugu dhaqsaha badan,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Meta oo la hadlay CNBC.

WhatsApp, oo leh ku dhowaad ​​2 bilyan oo isticmaale, ayaa si gaar ah caan uga ah wadamo ay ka mid yihiin India iyo Brazil.

Hadalsame Media