“Waa nin dhimirkiisu dhiman yahay” – MBS oo la kashifay warar uu ka sheegay MW Maraykanka

0

(Hadalsame) 25 Okt 2022 – Xiriirka Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa “sii kala dillaacaya” taas oo ay7 ugu wacan tahay nacaybka iyo kalsooni darrada u dhaxaysa Madaxwayne Joe Biden iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, sida uu kashifay wargayska Wall Street Journal Isniintan, isagoo soo xiganaya ilo dowladeed oo ku sugan Riyaad.

Dhaxal-sugahan 37-jirka ah, oo ah xaakimka dadban ee boqortooyadan Khaliijka, ahna wiilka boqor Salmaan, ayaa la arkay isagoo “ku jeesjeesaya Madaxwayne Biden si gaar ah.”

“Wuxuu ku maadsadaa khaladaadkiisa faraha badan ee dadwaynaha hortooda, wuxuuna su’aal ka keenay saaxinnimada dhimirkiisa. ,” sida laga soo xigtey ilo wargayska la hadlay.

Labada nin “isma jecla  mana isku kalsoona” waxaana la sheegay in amiirku uu “aad u doorbidayey” Madaxwaynihii hore ee Donald Trump

Biden ayaa wuxuu la hardamayaa dhaliilo ku saabsan caafimaadkiisa jireed iyo tan dhimir oo la sheegay inay kasii darayaan – sheegashooyinka waxaa sii shiday khaladaad badan oo shaacay halkaas oo uu Madaxwaynuhu erayada qaar ku turunturooday marmarna uu u muuqdey mid ku jahwareersan marka uu joogo madlaha guud.

Waraysi uu siiyey MSNBC Axaddii, Biden wuxuu qirtay inay “sharci tahay” in dadka Maraykanka ihi ay ka welwelaan da’diisa, laakiin wuxuu ku adkaystay inuu taam yahay oo uu caafimaad qabo.

Hadalsame Media